Galmudug Oo Ciidamo Farabadan Dhigtay Waddooyinka Magaalada Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in Ciidamada Dowlada Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidamada ATMIS heegan sare laga galiyay Xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Wararku waxaa ay sheegayaani la arkayo askar aad u badan oo saacadihii u dambeeyay lasoo dhoobey wadooyinka soo gala Magaalada iyo xarumaha muhiimka ah ee maamulkaasi Galmudug.
Ciiidamo kale oo aad u hubeysan ayaa sidoo kale la geeyay dabaqyada iyo dhismayaasha kale ee ku yaala bartamaha Magaalada, waxaana sababta rasmiga ah ee Ciidanka heeganka lo galiyay lagu sheegay cabsi laga qabo in Ahlusunna.

Ahlusunna ayaa wadda sida la sheegay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aan la ogeyn halka sida rasmiga ah ay ugu wajahan yihiin, iyadoo lasoo wariyay in ay dhowr wado oo jahooyin kala duwan ah uga ruuqaan sadeen deegaanka Bohol oo bilihii ugu dambeeayy xarun u ahaa Xoogagga Ahlusunna.

Related posts

Dowladda Germany Oo Somaliya Ugu Deeqday In Ka Badan 10 Milyan Oo Dollar

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Oo Cunoqabateyn Ku Soo Rogay Taliyaha Ciidamada Eritrea Iyo Sababta

Bnnstaff Bnnstaff

Baadari Lagu Xiray Deegaanka Malindi Ee Kenya Kadib Markii Uu Dad Kula Taliyay In Ay Soomaan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More