Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Somaliya” “Si Aan Habbooneyn Ayaa Xilkii Wasiirnino La Iiga Qaaday”

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa waraysi uu siiyay BBC Soomaali si faahfaahsan uga warramay xilka qaadistii lagu sameeyay bishii November 2021.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay heshiis ku ahaayeen xilka qaadistiisa.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa xilka laga qaaday kadib sanad uu hayay jagadaas oo uu kala wareegay danjire Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka hore ayaa sheegay in todobaad ka hor inta aan xilka laga qaadin uu gudbiyay istaqaaladiisa, kadib markii la xallin waayay cabasho ku aaddan shaqada oo uu u gudbiyay madaxda.

“Bishiias November ee aan markaa joognay, ma aanan helin qoondadii dhaqaale ee loogu talogalay wasaaradda ee dhinaca safarrada muddo todobo bilood ah. Aniguna waxaan ahaa wasiirka ugu safarka badan,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Waxa uu intaa raaciyay in deyn badan lagu yeeshay wasaaradda uu markaa madaxda u ahaa, maadaama bishiiba ay ku baxaysay safarrada lacag dhan 40 kun oo dollar.

“Tikidhada waxaan ka sii qaadan jirnay ganacsato Soomaali ah oo iyaguba danyar ah. Markii ay denytaa gaartay 100 kun oo dollar, anigu damiirkeyga wuu isiin waayay in aan sii wado,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Sida uu ku ogaaday xil ka qaadista
Wasiirkii hore Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in si aan habbooneyn looga qaaday xilka, isla markaana aan lagu sii wargelin ama loo sheegin sababta go’aankaas loo gaaray.

“Waxaan markaas kulan kula jiray safiirka UK ee Soomaaliya, markii aan dhamaynay kulanka ayaa waxaa isoo wacay Madaxweynaha oo i weydiiyay “arrintii ma la xaliyay?” waxaan iri Madaxweyne May, lama xallin. Waxyar isug buu yiri,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Arrinta aan la xallin ee uu Madaxweynaha kala hadlayay ayuu ku sheegay cabashadii uu ka gudbiyay dhaqaalo xumida haysatay wasaaradda arrimaha dibedda.

“Kulanka marka uu dhammaaday waqti duhur ah, gurigeyga ayaan tegay waxaana qof uu ii soo diray Tweet xafiisk ra’iisal wasaaraha ka soo baxay oo la leeyahay xilkii ba waa lagaa qaaday,” ayuu yiri wasiirka hore oo maalmahaas isu diyaarinayay inu

Related posts

Shacabka Magaalada Muqdisho Oo Rajo Wanaagsan Ka Muujiyay Kiiska Bada Ee Somaliya Iyo Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

Banaanbaxyo Lagu Diidan Yahay Xilka Qaadistii Ra’iisulwasaare Imran Khan oo Pakistan Gil Gilay

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Masar oo Shaacisay In Ay Soo iibsanayso Diyaaradaha Dagaalka Ee Rafale

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More