Madaxweynihii Hore Ee Galmudug Oo Ka Hadhay Tartanka Doorashada Madaxweynaha

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ay ka dhacdo 15-ka bishaan May oo ku beegsan maalinta Axada ee todobaadka soo socota.

Magaalada ayaa waxaa 72 saac ee u dambeysay ka socday olole doorasho aad u adeg, isla markaana waxaa dhacay kulamo siyaasadeed oo wadeen Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha dowladda, iyadoona weli socdaan Shirar u badan isbaheysi siyaasadeed.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug ahna Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa u tanaasulay Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kadib kulamo ay yeesheen, uuna goobjoog ka ahaa Madaxweyne Qoorqoor.
Dhinaca kale Musharax Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe ).

Kulanka ayaa waxaa labada dhinac ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashada Madaxweynaha dalka oo dhaceysa 15-ka May, wuxuuna Sheekh Shariif uu Madaxweynaha Jubbaland uga mahadceliyay doorkiisa in Soomaaliya maanta ka qabsoonto doorashada Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha oo loo madlan yahay.

Ilo-wareedyo kalsoonaan karo ayaa Idaacadda Dalsan u xaqiijiyay in suura-gal tahay in saacado gudahood la isu guuro oo la arko dhinacyo isbaheysi dhexmaraya gaar ahaan Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha oo olole doorashada xoog leh wada.

Related posts

Haayada Dhawrista Tayada Ee Somaliland Oo Berbera Ku Gubtay Abaalo Dhacay

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Ucid Oo Ka Jawaabay Sobobta Ay Uga Soo Qayb Galiwaayeen Doodii Afhayeenada Kulmiye Iyo Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Kaalinta Uu Raysal Wasaare Rooble Ka Qaadanayo Howlaha Doorashooyinka

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More