Qatar Iyo Iiraan Oo Wadahadal Ka Yeeshay Dib U Soo Celinta Heshiiskii Hubka Nuclear-Ka

Amiirka Qatar oo Khamiistii booqasho ku tagay Iran ayaa markii uu la kulmay madaxweynaha Iran sheegay inuu aaminsan yahay in xalku uu ku jiro wadahadal sida ay qortay wakaaladda wararka rasmiga Iran. Labada hogaamiye ayaa ka wadadadlay arrimo kale oo ay kamid yihiin xaaladaha Afghanistan, Iraq, Syria iyo dagaalka Yeman.

Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei oo leh go’aanka kama dambeysta ah ee arrimaha gobolka ee dalkiisa ayaa intii uu socday kulankii Amiirka ay la qaateen sheegay, in labada dal ay xoojiyaan xiriirkoodaa dhaqaale iyo siyaasadeed, laakiin wuxuu ku boorriyay dalalka Carabta, gaar ahaan Qatar inay taageeraan qadiyadda Falastiiniyiinta oo dagaal kula jira Israel oo uu ku tilmaamay ‘cadowga Iran.’

Booqashada Amiirka ayaa imaanysa iyadoo bishii Febraayo ee sanadkan madaxweynaha Iran Ibrahim Rasi isagana uu booqasho ku ku tegay magaalada Doha.

Related posts

Bukaankii Ugu Horeeyay Oo Maanta Kalyaha Loogu Sifeeyay Isbitaalka Guud Ee Borama

Bnnstaff Bnnstaff

Xulka Gobolka Xaysimo Oo Gaadhacay Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland Cadaalad Darona Tirsatay

Bnnstaff Bnnstaff

Safaaradda Maraykanka Oo Ka Cabatay Bahdil Ay u Gaysteen Ciidamado Soomaaliyeed

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More