Nin Dil Ka Geystay Degmo Ka Tirsan Gedo Oo Xukun Toogasho Lagu Fuliyay

Maxkamada Ciidamada ee degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee Koonturta Soomaaliya ayaa xukun dil toogasho ah ku dilay Nin Shacab ah oo horey Dil ugu geystay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska degmadaas.

Qadar Maxamuud Boqor ayaa horraantii Bishii lasoo dhaafay September 2020 gudaha Saldhiga Booliska degmada Luuq si kedis ah ugu dilay Axmed Cabdi Barre oo ka tirsan Ciidanka Booliska Luuq.
Maxkamadda Luuq ayaa gelinkii dambe ee shalay goob fagaare ah oo ku taalla degmadaas xukunkii dilka toogashada ahaa kula fulisay Qadar Maxamuud, waxaana goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiinta Maxkamadda iyo Xubno kale oo ka tirsan Maamulka.

Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Luuq Sheekh Cabdi Maxamed Aadan ayaa sheegay in Ehelada Marxuum Axmed Cabdi Barre ay dalbdeen in la toogto Ninkii ka dambeeyay dilka Marxuumka, iyagoona la toogtay.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO:- Waraysi Xiiso Badan Oo Uu Bixiyay Madaxwayne Deni Iyo Arimo Xasaasiya Oo Uu Ka Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

Shiinaha Oo Ka Hadlay Dhibaatada Uu Uu Gaysan Karo Gantaalkii Ka Lumay Oo La Filayo In Uu Dhulka Ku Soo Dhaco

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Digniin U Diray Shacabka Ku Nool Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More