Guddiga Doorashada Oo Farriin Xasuusin Ah U Diray Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha

Guddiga isku dhafka ee doorashada Madaxweynaha ayaa farriin xusuusin ah Goor dhow u diray Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo wada diyaar garoowigii ugu dambeeyay.

Guddiga doorashada ayaa Musharaxiinta Madaxweynaha ku wargeliyay inay Teendhada Afisyooni kasoo galaan Albaabka MADINA GATE, halkaas oo Guddiga sheegay in loogu tala-galay inay kasoo geli karaan oo kaliya Musharaxiinta Madaxweynaha.
Guddiga ayaa Musharaxiinta tartameysa u sheegay in markii ay yimaadan Albaabka MADINA GATE looga qaadi doono gaadiid VIP gaar ah ah oo loo diyaariyay, isla markaana lagu geyn doono howlka doorashada ee Teendhada Afisyooni.

“XUSUUSIN MUHIIM AH. Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan murashaxiinta Madaxwaynaha JFS in MADINA GATE ayaga oo keli ah loogu talo galey in ay ka soo galaan, halkaasna ay ka soo galbin doonto ATMIS ayadoo isticmaaleysa gawaari VIP gaar ah” ayaa lagu yiri farriinta loo diray Musharaxiinta.

Doorashada xilka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ka dhaceysa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afisyooni, waxaana Caasimadda ka socda ololihii ugu dambeeyay oo ay wadaan Musharaxiinta.

Related posts

Dowlada Somaliya Oo War Kasoo Saartay Shirka Amniga Dalka Ee Ka Furmaya Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Laanta Socdaalka Somaliland Oo Shaacisay In Ay Dib Dalalkoodii Ku Celiyeen 300 Oo Qof

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Xafiiska Imtaxaanaadka Somaliland Oo Shaaciyay Tirada Rasmiga Ah Ee Ardayda Imtaxaanka U Fadhiisatay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More