Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in doorashada madaxtinimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee
loo qabtay May 15, 2022 si guul leh, iyada oo u hambalyeysay Madaxweynaha la doortay ee
Xasan Sheekh Maxamuud una rajeeysay guul inta uu xilka hayo.
” Waxaan ahmiyad weyn siinaa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, oo aan la joogno
Waxaan la leenahay xiriir taariikhi ah oo qoto dheer, waxaana rajeynaeynaa in natiijada doorashada ay noqoto mid xal u ah shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.
Sidoo kale Turkiga waxaa uu sheegay in uu sii wadi doono garab istaagga shacabka Soomaaliyeed iyo taageeridda Federaalka Dowladda Soomaaliya si ay u abuurto amni, xasilooni iyo barwaaqo
dalka xiligan cusub.
Inta badan dowladaha taageerada siiya Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay doorashadii ka dhacday Muqdisho oo uu kusoo baxay Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo sheegay inay la Shaqeyn doonaan.