Maxaa Looga Hadlay Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo James Swan?

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa maanta booqasho ugu tagay Madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana Madaxweynaha iyo James Swan ay yeesheen kulan gaar ah.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud looga xog-wareystay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa iyo sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ku sii kordhineyso taageerida ay siiso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la kulmo Madaxweynaha cusub ee la doortay, isagoona ugu hambalyeeyay guushii uu maalmo kahor ka gaaray doorshadii dhacay.

“Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan waxa uu ku faraxsan yahay in uu maanta Muqdisho kula kulmo oo uu si shakhsi ah ugu hambalyeeyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka xog wareystay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Xafiiska UN-ka ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa intaas lagu sii daray Qoraalka oo lagu soo gaba-gabeeyay “Waxa ay ka wada hadleen sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda”.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeyb Galay Caleemo-Saarka Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan

Bnnstaff Bnnstaff

Puntland Oo Digniin Culus Kasoo Saartay Roobab Dabeylo Wata Oo Kusoo Wajahan

Bnnstaff Bnnstaff

Barnaamijka Su’aalaha Diiniga Ah Ee Bisha Barakaysan Ee Ramadaanta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More