Borama News Network

Dowladda Maraykanka Oo Sanadka 2024 Xal u Raadinaysa Qulqulka Soogalootiga. Newsroom 31st December 2023.

Dowladda Maraykanka ayaa sanadka cusub ee 2024 wixii ka dambeeya waxa ay qorshayneysaa in ay xal degdeg ah u hesho xakamaynta qulka soogalootiga ee sanadkaan 2023 xooggooda galay dalkaas iyaga oo safar waqti iyo maalmo badan ku qaatay dadkaas ay galeen.

Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in Dalka Nicaragua uu xuddun u yahay soogalootiga si wax looga qabtana ay qaadayaan tallaabooyinka ku habboon ee looga hortagayo in ay soogalooti horleh ay dalkaas tagaan.

Khubarrada dhinaca la socodka soogalootiga ayaa ku dooday in xalka keliya ee lagu xakamayn karo uu yahay in laga qaybgalo guud ahaan dhaqdhaqaaqa lagu xoojinayo sidii ay dadkaas shaqo iyo fursado ugu heli lahaayeen Dalalkooda.

Waxa ay dood ka dhigteen Khubarradu in sababta kordhisay Dadkaan tahriibaya ay tahay in dhibaatooyinka sida dagaallada Sokeeye, shaqo la’aanta iyo niyad-dhis la’aanta haysata dadkaan u badan yihiin waxa dalalalkooda ka salkicinaya.

Xukuumadda Madaxweyne Joe Biden ayaa dhowr jeer sheegtay in ay go’aan adag ku gaartay wax ka qabashada qulqulka soogalootiga kasoo kala jeeda Dalalka kala duwan iyaga oo aaminsan in ay Maraykanka ka helayaan nolol uga wanaagsan tan dalalkooda.

Related posts

Xamaas Oo Weerar Ku Laysay Askar Isrealiyiin Ah Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Weerarkaasi

Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir Oo Maanta Ku Dhawaaqaysa Go’aanka Kiiskii Sayid Cali

Abdiaziz Bnnstaff

“Dalka Waxaa Wareeriyey Muuse Biixi…”Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Muranka Doorashooyinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff