Madaxwayne Erdogan Oo Sheegay In Uusan Aqoonsanayn Raysal Wasaaraha Giriiga

Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayib Erdogan ayaa sheegay in uusan aqoonsanayd Ra’isulwasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis, islamarkaasna uusan la kulmi doonin.

Waxa uu ku eedeeyay in uu isku dayay in uu hor istaago in Maraykanka uu Turkiga ka iibiyo diyaaraha F-16 kadib booqasho uu ra’isulwasaaraha Giriiga ku tagay dalka Maraykanka.

“Aniga buugayga waan ka tiray nin la yiraahdo Mitsotaksi, mana la kulmayo” ayuu yiri Erdogan oo la hadlayay golihiisa wasiirada.

Muranka labada dal ayaa ka biloowday kadib markii Turkiga uu diiday in dalalka Finland iyo Sweden ay ku biiraan gaashaanburta NATO.

Ra’isulwasaaraha Giriiga ayaa ka hor hadlay Koongareeska Maraykanka uu todobaadkii hore ka hor sheegay in aanan mamnuucista laga qaadin Turkiga ee la xiriirta in laga iibiyo diyaaradaha dagaalka.

Related posts

Madaxweynihii Dalka Imaaraadka Carabta Oo Geeriyooday

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Kulmiye Oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Ku Timid Xasan Xaaji (Xasan Gadhawayne)

Bnnstaff Bnnstaff

Ururuka Taliban Oo Digniin U Diray Dowlada Afghanistan Iyo Sobobta Digniintaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More