Wafdi Ka Socda Somalia Oo Maanta ka qeyb galaya Shirka Midowga Afrika Oo Furmaya

Shir madaxeedka aan caadiga aheyn ee Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah uu ka furmo Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea, waxaana shirkaas ka qeyb galaya wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa oo diirada lagu saarayaa waxa loogu yeero Argagixisanimada iyo isbedelada aan dastuuriga ahayn ee dowladdaha, isla markaana waxaa shirka uu daba socdaa shan afgambi oo Afrika ka dhacay tan iyo 2021.

Kiisaska afgembiyada ayaa waxaa ay sanadkii 2021 ka dhaceen Gobollo iyo dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Angola iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyo kuwo kale, iyadoona shir madaxeedka furmaya Maanta uu daba socdo afgambiyadaas.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa socdaal ku gaaray Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea, isla markaana waxaa halkaas uu kulan la qaatay Madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema Mbasogo.

Kulanka dhexmaray Guddoomiye Moussa Faki Mahamat iyo Teodoro Obiang Nguema ayaa looga wada hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya Gobolka iyo furitaanka Shir madaxeedka aan caadiga aheyn ee Midowga Afrika.

Madaxda ka socota dalalka Afrika ee ka qeyb galaya Shir madaxeedka aan caadiga aheyn ee Midowga Afrika ayaa yeelan doono kulamo kala duwan oo ay uga hadlayaan xoojinta xiriirka dalalka iyo Arrimo kale oo ku aadan xaaladda Gobolka.

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Ku Dhawaaqday In Ay Xidhiidhka U Jartay Dowlada Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Qoor Qoor Oo Farta Ku Fiiqay Cida Ka Dambaysay Fashilkii Shirkii Teendhada Afisyooni

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Anxiyay Xeerka Maalgashiga Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More