“Umadda Somaliyeed Hanagu Taageerto 2026-Ka Inaan Teendhadii Lagu Noqon” Madaxwayne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada uga qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay Guddiyadii iyo howlwadeennadii doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Munaasabadda abaal marinta ayaa marka hore ku bogaadiyay Guddiyadii doorashooyinka shaqadii wanaagsanayd ee ay dalka kaga soo gudbiyeen marxaladdii doorashada.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha dowladda Federaalka in dadka Soomaaliyeed qofkii ay doortaan uun hoggaamin kara, isagoona shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay dowladdiisa ku taageeraan in aan 2026 lagu laaban Teendhada Afisyooni ee lagu soo doortay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaas kusii daray in nidaamka xukunka dowladnimada ay ka qaadeen caasimadda, isla markaana ay geyeen Xarumaha maamul Goboleedyada, haatana ay qorsheeynayaan inay geeyaan deegaanada dalka, si shacabka ay u doortaan qofka ay rabaan.

“Dadka Soomaaliyeed qofkii ay doorteen un baa hoggaamin kara,umadda Soomaaliyeed hanagu taageerto 2026-ka inaan Teendhadii loo noqon,Wixii dhacay lama illoobi karo laakiin waa la iska cafinkaraa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in aan la iloobi karin wixii dhacay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta uga mahadceliyay dadaalkii uu ku bixiyay hoggaaminta doorashooyinkii dalka ka dhacay, isagoona xusay in Rooble uu dalka kasoo gudbiyey marxaladdii kala guurka aheyd ee dalka uu ku jiray.

Related posts

Xukun Lagu Riday Saraakiil Kenyan Ah Oo Dilay Haweeneey Soomaali Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo La Kulmay Safiirka Cusub Ee Midowga Yurub Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

Maxamed Bin Salmaan: “Dilkii Khashoggi Waxa Uu Ahaa Dhacdadii Ugu Xumayd Ee Isoo Marta”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More