Maxay Ka Wada Hadleen Guddoomiyaha G/Shacabka Iyo Danjiraha Turkiga U Fadhiya Soomaaliya?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Mehmet Yilmaz.
Safiirka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka guddoomay Salaan iyo Hambalyo ku aaddan dooraashadii 15 May ee ka dhacday Teendhada Afasiyooni, laguna doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu sheegay in dowladda Turkiga ay ballan qaadeyso dhismaha xarumo Balaaran, tayeeynta shaqaalaha, tababarada ay siiyaan Ciidanka Qalabka, sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo geba-gebada kulanka dhankiisa ka hadlay, ayaa dowladda Turkiga ku boggaadiyay teegeeradda joogtada ah ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,.

Related posts

Hoggaamiyaha Budhcada Laysa Ganacsatada Soomaalida Ee Dalka Koonfur Afrika Oo La Qabtay

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska Burco Oo Soo Bandhigay Khamri Iyo Hub Tiro Badan Oo Ay Gacanta Ku Soo Dhegeen

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Iyo Faransiiska Oo Dhabar Jabin Ku Sameeyay Turkiga Iyo Jaawabta Ay Turkigu Ka Bixiyeen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More