Borama News Network

Dowlada Kenya oo soo jeedisay qaab cusub oo lagu damin karo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Kenya ayaa soo jeedisay heshiis goboleed dhinaca badda ah oo lagu qaboojinayo xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku saabsan heshiiska u oggolaanaya Itoobiya in ay saldhig ciidan ka sameysato badda, isla markaana ay ka hesho dekedd jamhuuriyadda gooni isutaageeda iskeed ugu dhawaaqday ee Somaliland, sida uu sheegay sarkaal sare oo Kenya ka tirsan Khamiistii.

Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa 1-dii Jannaayo heshiis kula gashay in ay 20 km (12 mayl) ka kiraysato xeebta Somaliland, qayb ka mid ah Soomaaliya oo sheegata madax-bannaanideeda, isla markaana haysata madax-bannaani aan la aqoonsanayn tan iyo 1991-kii, iyadoo soo bandhigtay suurtogalnimada aqoonsiga Somaliland beddelkeeda.

Taasi waxay keentay jawaab celin diidmo ah oo ka timid Soomaaliya waxaana sare usii kacay walaaca laga qabo in heshiisku sii khalkhal galiyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

Heshiiska ay Kenya soo jeedinayso iyadoo la tashanaysa Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD ayaa lagu xukumayaa sidii dawladaha aan badda lahayn ee gobolka ay u heli lahaayeen dekedo ganacsi, Korir Sing’oei, xoghayaha arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

“IGAD waxay awood u yeelan kartaa in ay dejiso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda,” ayuu yiri, isagoo ka hadlayay ururka ay ku mideysan yihiin dalalka gobolku.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Kenya William Ruto, kaasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in xal diblumaasiyadeed lagu dhameeyo khilaafka.

“Waxaan sii wadeynaa inaan la shaqeyno dhammaan dhinacyada si aan u hubinno in dhamaadka maalinta gobolka ay noqoto mid xasiloon,” ayuu yiri Sing’oei.

Haddii la aqbalo, xalka Nairobi wuxuu siinayaa Itoobiya “helitaanka kheyraadka badda oo xasiloon oo la saadaalin karo” si ay ganacsigeeda u fuliso si aan caqabad lahayn, iyadoo sidoo kale ixtiraamaysa midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayuu raaciyay.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayuu sheegay in ay ka fiirsanayaan soo jeedintaas, madaxdoodana laga codsaday in ay tix geliyaan kulankooda si geeddi-socodka loo sii ambaqaado.

Sing’oei waxa uu sheegay in waqtigu uu ahaa mid muhiim ah tan iyo markii Al-Shabaabka Soomaaliya ay u adeegsanayeen khilaafka in ay dowladda Muqdisho ku tilmaamaan mid aan awoodin in ay ilaaliso madax banaanida Soomaaliya.

Itoobiya ayaa bishii aan soo dhaafnay sahan ugu jirtay suurtagalnimada in dekedda Lamu ee dalka Kenya ay kala soo degto bacrimiska dalagga, taas oo qayb ka ah dadaalka ay ku doonayso in ay ku ballaadhiso dekedaha ay wax kala soo degayso ee ka baxsan Jabuuti, oo inta badan ay Itoobiya kalasoo degto shixnadaheeda.

Inkastoo fikradda istcimaalka Itoobiya ee dekadda Lamu ay tahay fikrad waa hore ah haddana illaa hadda lama hirgelin.

Wafdi ka socda Itoobiya ayaa kormeer shaqo ku tagay dekadaha Lamu iyo Mombasa, waxaana ay rajo ka qabaan in ay heshiis la galaan dawladda Kenya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee Itoobiya Denge Boru ayaa yiri: “Weftigu waxay soo booqdeen xaaladda dekedda iyo waddooyinka ilaa Mooyaale, si ay u eegeeen in ay ku habboon tahay hawlgalka iyo in kale”.

Hase yeeshee soo jeedinta Kenya ayaan ahayn oo kaliya dekad teed ah oo ay Itoobiya wax kalasoo degto balse in ay xaaladda ka dhigto mid goboleed oo si wada jir ah loo xaliyo baahida dalalka gobolka ku yaal ee aan badda lahayn oo ay Itoobiya ku jirto.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad oo jeediyay maalintii Ciidda ku sheegay “in ay Itoobiya ay duullaan ku tahay madax-bannaanida Soomaaliya, balse ay diyaar u yihiin wadahadal kasta oo aysan ku luminayn gobannimada.”

Related posts

Waa kuma 15 Jirka Muslimka Ah Ee Indha Dunida Soo Jiitey Ka Dib Tillaabo Geesinimo Leh Oo Uu Qaaday?

Abdiaziz Bnnstaff

Fahad Yaasiin Oo Madaxweyne Geelle Ku Tilmaamay In Uu Yahay Cadawga Soomaaliya !

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Haya Talada Dalka Itoobiya Oo Go’aan Ka Soo Saaray Heshiiskii Somaliland Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff