Dowladda Canada Oo Qaadday Talaabo Ay Shacabkeeda Ku Kala Qeybsameen Kadib Arrin Ka Dhacday Mareykanka

Dowladda Kanada ayaa shalay soo saartay sharci ay ku dhaqangelinayso “joojin heer qaran ah” oo ku saabsan iibinta iyo gadashada qoryaha gacmeed taas oo qayb ka ah sharci lagu xakamaynayo hubka kaas oo sidoo kale xaddidi doona tirada qasnadaha uu hal qof haysan karo isla markaana mamnuuci doonta qaar ka mid ah alaabta lagu ciyaaro ee u eg qoryaha.

Sharciga cusub, oo dib u soo nooleynaya qaar ka mid ah tallaabooyinka la qaaday sanadkii hore iyada oo lagu jiro doorasho qaran, ayaa imanaya toddobaad uun ka dib markii nin hubaysan uu gobolka Texas 19 carruur ah iyo laba macallin ku dilay iyagoo kujira gudaha fasalkooda.

Raiisel wasaaraha Kanada Justin Trudeau ayaa u sheegay saxafiyiinta in talaabooyinka cusub loo baahan yahay maadaama ay kordheen rabshadaha hubka .

Related posts

Turkiga Oo Joojiyay Hawshii Shidaal Baadhista Iyo Gantaalo Cusub Oo Uu Farsameeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Arday Dugsi Ku Jirtay Oo Lagu Afduubtay Dalka Nageria Iyo War Laga Soo Saaray

Bnnstaff Bnnstaff

Aqalka Senetka Maraykanka Oo Dacwadda Trump Ku Tilmaamay Mid Dastuuri Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More