Ciidanka Xoogga Dalka Somaliya Oo Howlgal Ku Qabtay Saraakiil katirsan Al-Shabaab

Taliska ururrada 83-aad iyo 84-aad, guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degaanka Janaale ayaa soo bandhigay Cusmaan Xasan Hiraab oo muddo ka barbar dagaalamayay Urururka Al-Shabaab, kaas oo isku soo dhiibay ciidanka.

Ninkaan oo kamid ah dhalinyarada Al-Shabaab ayaa sheegay inuu ka soo dagaalamay gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellada Hoose oo ugu dambeyntii uu iska soo dhiibay.

Gaashaanle Nuuradiin Xuseen Macalin oo ah taliyaha ururka 83-aad, guutada 14October iyo L/xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo ah taliyaha ururka 84-aad ee isla guutada 14-ka October oo ay wehliyaan saraakiil kale ayaa Cusmaan Hiraab si weyn ugu soo dhaweeyay deegaanka Janaale.

Dhinaca kale Ciidanka Kumaandooska Danab Gàar Ahaan Ururka 5aad Guutada 16’aad iyo kuwa Nabadsugida Maamulka Jubbaland ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay degaannada dhaca dhinaca Galbeed ee Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose.

Degaannada ay Ciidamada howlgalka ka sameeyeen ayaa waxaa ay kala yihiin, Shabac ,Gaawo Gabdhoodle, Beerxaani, Qudus iyo Kaanjaroon, halkaas oo saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay Al-Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen.

Sidoo kale saraakiishu waxaa ay sheegeen in howlgalka intii uu socday ay Ciidanka ay u suurto gashay in gacanta ku dhigaan Sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsana Degaannada howlgalka laga sameeyay, kaas oo lagu Magacaabo Maxamed Cabdi Mukhtaar Magaciisa Afgarashada uu yahay (Sakhraawi) , isla markaana ay dileen Afar Xubnood oo ahaa ilaalada Sarkaalka, Sida uu Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida u xaqiijiyey Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska Danab Taliye Carab Dheeg Axmed Dhageey.

Related posts

Madaxweynihii Hore Ee Mareykanka Donald Trump oo Telefishin Dacwad Ka Gudbiyay

Bnnstaff Bnnstaff

Maayirka Magaalada Borama Oo Kormeeray Wadooyin Casir Ah Oo Ay Dowlada Hoose Hirgalinayso

Bnnstaff Bnnstaff

Afhayeenka Xisbiga Wadani Barkhad Batuun Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Ex Wasiir Shucayb Fariina Diray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More