Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Yeelanaya Iyo Ajendaha Oo La Shaaciyey

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Arbaco ah waxaa kulankoodii caadiga ay ku yeelanayaan Xarunta Villa Hargeysa oo ku dhex taalla Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Golaha ayaa waxaa uu yahay Akhrinta xeer hoosaadka Golaha Shacabka Baarlamaanka, sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka, kulanka ayaa bilaabanaya 10:00 Barqanimo ee Maanta
Xildhibaanada Golaha ayaa xalay waxaa loo diray farriimo Wargelin ah oo ku aadan in uu jiro kulanka Mudanayaasha, isla markaana Xildhibaanada looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan kulankaas oo saacadaha soo socda furmaya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa shir guddoomin doona kulanka, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kulan ay yeelan wixii ka dambeeysay doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dhacday 15-kii bishii lasoo dhaafay ee May 2022.

Related posts

Turkey Iyo Israel Oo Dib Usoo Celinaya Xiriirkooda Diblomaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Qarax Kale Oo Saaka Ka Dhacay Muqdisho Maareeyaha Dekeda Muqdisho Oo Ka Badbaaday

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Billaabeyso Diiwaan Gelinta Hubka Sharci Darrada Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More