Mareykanka Oo Ergey Cusub U Soo Magacaabay Geeska Africa

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka ee Geeska Africa Mike Hammer, kaas oo bedeli doonaan Ergaygii hore David Satterfield oo is-casilay bishii April.
Waxaan ku dhawaaqayaa in Danjire Mike Hammer uu bedeli doono Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika. Waxaan uga mahadcelinayaa Danjire Satterfield waayo-aragnimada iyo go’aan qaadashada uu u keenay xilka, waxaanan rajaynayaa dadaalka iyo aragtida uu danjire Hammer hadda ku bixin doono dadaallada Geeska Afrika” ayuu yiri Blinken.

Waxa uu Blinken sheegay in magacaabista danjire Hammer ay hoosta ka xariiqday sida ay Mareykanka uga go’an tahay dadaallada diblumaasiyadeed ee gobolka, wuxuuna sheegay in Mareykanku sida ugu dhakhsaha badan u taageerayo geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ku wajahan nabadda, amniga guud, iyo barwaaqada dhammaan dadka Itoobiya.

Related posts

Raysal Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Saraakiisha Ciidanka Somaliya Iyo AMISOM

Bnnstaff Bnnstaff

Suudaan: Maraykanku Naguma Khasbi Karo Xidhiidhka Israel Sida Imaaraatka Iyo Baxrayn

Bnnstaff Bnnstaff

Kooxo Hubaysan Oo Nin Nigerian Ah Nolasha Ku Gubay Iyo Xogo Ka Soo Baxaya Dhacdadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More