Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa marar badan lagu tilmaamay inuu isticmaalo qof isaga u eg, haddana waxaa dib u soo cusboonaaday hadal haynta ku saabsan arrintaas iyo warar kale oo ku saabsan xaaladdiisa caafimaad.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa la isla dhex marayay in uu Putin si aad ah u xanuunsanayo, warbaahinnada qaaroodna waxay xitaa qorayeen in laga yaabo inuusan noolayn Putin-kii saxda ahaa. Laakiin BBC-du ma xaqiijinin dhabnimada wararkaas.
Madaxweynaha Ruushka ayaa in muddo ahba ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha lagu xanto inay adeegsadaan qof u eg oo mararka qaar matala. Waxaa arrintaas horay caan ugu ahaan jiray madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saadaam Xuseen.
Putin qudhiisa muxuu ka yiri xanta ku saabsan inuu qof kale isu ekeysiiyo?
Mar dhow ma bilaabanin sheegashooyinka la xiriira in Vladimir Putin uu mararka qaarkood qof kale matalo, xilliyo hore ayaana sidan oo kale loo tuhmay.
Muddo lix sano ah ayaa la isla dhex marayay in dad ay jiraan dad u eg Putin, si amnigiisa loo xaqiijiyo.
Bishii February ee sanadkii 2020-kii ayuu Madaxweynaha Ruushka ka hadlay Mowduucan, waxa uuna qirtay in fursad loo siiyay loona soo bandhigay fikradda ku aaddan in uu qof aan laga garaneynin samaysto.
Laakiin waxa uu beeniyay inuu waligiis ku dhaqaaqay tallaabadaas.
Ujeeddada loogu soo jeediyay fikraddaas ayaa ahayd si loo adkeeyo amnigiisa, balse waxa uu sheegay inuu gabi ahaanba ku gacan sayray.
Qorshahaas waxaa markii ugu horraysay miiska lasoo saaray sanadkii 2000, markaas oo ay Ruushka dagaal kula jireen xoogagga gooni u goosad doonka ah ee ka soo jeeda gobolka Chechnya.
Vladimir Putin oo hadda 69 jir ah ayaa horay usoo ahaan jiray sarkaal ka tirsan hay’adda sirdoonka ee dalka Ruushka, oo magaceeda loo soo gaabiyo KGB.
Putin oo hadda ku mashquulsan dagaalka uu waddankiisa ku qaaday dalka Ukraine ayaa xukunka hayay tan iyo sanadkii 2000.
Tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine, 24-kii bishii February, 2022-ka, waxaa sii xoogaystay hadal-haynta la xiriirta amniga Madaxweyne Putin oo la sheegay in uu khatar ku jiro, ayna jiraan dad si gaar ah u raadinaya, si ay u dilaan.
Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay Putin kama soo bixin Caasimadda Moscow iyo xarunta, waxaana taas sabab u ahayd in laga ilaaliyo inuu ku dhaco fayraska corona ee faraha ba’an ku hayay dunida.
Xitaa deegaannada gudaha dalkiisa uma uusan safri jirin, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulkiisa.
Waxaa kale oo lasii xoojiyay dadaallada la xiriira in la adkeeyo amniga madaxweynaha.