Khilaafka Biyo Xidheenka Itoobiya Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Trump Oo Khiyaamay Itoobiya

Dadka naqdiya madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegaya in xisaada cirka isku sii shareereysa ee Masar iyo Itoobiya ay muujineyso in ay jirto guuldarro weyn oo maamulka Trump uu sababay taa oo la xiriirta diblomaasiyadda Afrika iyo Marekanka.

Labadan dal ee Itoobiya iyo Masar oo hadda uu u dhexeeyo khilaaf adag oo dhanka biyo-xireenka Niil uu u dhexeeyo, waxay muddo xulafo la ahaayeen dalka Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa toddobaadkii hore weriyayaasha Aqalka Cad u sheegay: “Waa xaalad aad halis u ah sababtoo ah Masar sidaas ugama samri karto arrinta.”

“Ugu dambayntii biyo-xireenkaas way burburin doonaan. Waan sheegay kor ayaanan u dhahayaa – biyo-xireenkaas way burburin doonaan, waana inay wax sameeyaan,” ayuu hadalka sii raaciyay Trump.

Madaxweyne Trump intaas kuma uusan ekaan ee waxa kale oo uu tilmaamay in Masar ay arrintaasi ka seexatay: “Waa hore in uusan bilaaban ayey aheyd, waxay ahayd in ay joojiyaan,” ayuu yiri.
Rashiid Cabdi oo falanqeeya amniga Geeska Afrika ayaa sheegay in dhex-dhexaadinta Mareykanka ee la xiriirta khilaafka biyo-xireenka ee Itoobiya iyo Masar ay xaaladda uga sii dartay.

“Itoobiya waxay xoojineysaa amniga hareeraha biyo-xireenka,” ayuu yiri Cabdi.
Rashiid ayaa sheegay in taasi ay muujineyso in Trump uu ku guul dareystay fahanka sida ay diblomaasiyadda caalamka u shaqeyso.

“Wuxuu si khaldan u fahmay qaabka looga baxo xiriirka ganacsiga, marka sidaa darteed waxa uu shaqadii dhex-dhexaadinta labada dal ku daayay wasaaradda maaliyada, taasi oo gabi ahaanba lid ku ah siyaasadda arrimaha dibadda,” ayuu yiri Rashiid Cabdi.
Horraantii bishii Sibteembar ayey aheyd markii dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday in ay dhaqaalaha gargaarka ah ka jari doonto Itoobiya, arrintaas oo salka ku haysay biyo-xireenka ballaaran ee uu dalkaas ka dhinac dhisayo Webiga Niil-ka buluugg ah.

Hadalkaas wuxuu ka dhashay go’aanka ay Itoobiya ku buuxinayso biyo-xireenka wayn, ka hor inta aanay wax heshiis ah la gaarin dalalka Masar iyo Suudaan.

“Itoobiya waxay dareemeysaa in Mareykanka uu khiyaameeyay ,Trump-na waa hogaamiye “haatan neceb dadka reer Itoobiya.”

Wuxuu intaasi ku daray in Itoobiya ay jeceshahay in Joe Biden uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 3-da Nofeembar.
Maaddaama Masar ay xiriir diblomaasiyadeed oo soo jireen ah la lahayd Israa’iil, maamulka Trump marnaba kama soo horjeedsan karo Masar, weliba xilli ay u baahan tahay caawimaadda Mareykanka.

Waxaa la aaminsan yahay in madaxweynaha Masar, Cabdifitaax Al- Sisi uu u ololeeynayo si dowladaha kale ee Carabta ay u aqoonsadaan maamulka Israa’iil. Marka sidaa darteed maamulka Trump wuxuu ku khasbanaaday in uu Masar taageero.

Maamulka ayaa xoogga saaraya wanaajinta xiriirka Israa’iil iyo Carabta, waxaana Trump u suurogashay in Suudaan uu ku qanciyo in ay xiriirka Israa’iil loo celiso, iyadoo doorashada Mareykanka ay ka dhimantahay muddo ka yar isbuu
Rashiid Cabdi ayaa aaminsan in xiriirka diblomaasiyadeed ee Afrika iyo maamulka Trump ay saameeyn ku yeelatay xiriirka sii xumanaya ee Mareykanka iyo Shiinaha, sababtoo ah Shiinaha ayaa sare u qaaday xiriirkiisa dalalka Afrika.

Tuusale ahaan, dalka Shiinaha wuxuu aasaasay saldhiggiisii ​​militari ee ugu horreeyay ee ku yaalla Jabuuti, kaas oo u dhow saldhigga Mareykanka ee loo adeegsado duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Islaamiyiinta xagjirka ah ee Soomaaliya, sidoo kalena waa barta ay ka howlgalaan ciidamada la-dagaallanka argagixisada ee Afrika, iyo Yemen.
Maamulka Trump ayaa sii wado caadiska siyaasadeed ee ka dhanka ah Shiinaha, halka awoodda Shiinaha ee Geeska Afrikana ay sii xoogeysanayso,” ayuu yiri Cabdi.

Muumulka Trump oo sameynaya dadaallo ku aaddan ka hortagga saamaynta dhaqaale ee Shiinaha ee ku sii kordheysa qaaradda, wuxuu daaha ka rogay barnaamijka Barwaaqada Afrika ee 2018-kii, kaas oo udub dhexaad u ah siyaasaddooda qaaradda.

Wuxuu intaas ku daray in maal-gashiga Mareykanka ee Afrika uu markii hore ahaan jiray waaxda saliidda iyo gaaska, laakiin aad ayuu hoos ugu dhacday sababtoo ah waxaa sare u kacay khalkhalka ku yimid Mareykanka.

Maamulka Trump ayaa sannadkii 2019-kii aasaasay Hay’ad Maaliyadeed oo Horumarinaysa sidoo kalena maal-gelinaysa, si ay uga caawiso shirkadaha Mareykanka in ay boos ka helaan Afrika.

Maamulka madaxweyne Trump waxaa kale oo uu go’aansaday inuu meesha ka saaro Sharciga Kobaca iyo Fursadaha Afrika (Agoa), kaas oo ku eg sannadka 2025.

Mashruucan waxaa saxiixay Madaxweynahii hore ee Dimuqraadiga Mareykanka Bill Clinton, waxa uuna dowladaha Afrika u horseedayaa inay doorbidaan suuqyada Mareykanka.

W Gyude Moore, oo ah xubin sare oo ka tirsan Xarunta Dhexe ee Mareykanka ee Horumarinta Caalamka wuxuu sheegay in maamulka uu diirada saaray heshiisyada ganacsi ee labada dhinac, isla markaana ay hada wadahadalo kula jiraan Kenya – awooda dhaqaale ee Bariga Afrika oo qayb ka ah hindisaha Belt iyo Road Initiative ee Mareykanku uu rumeysan yahay in looga golleeyahay dhisida wadooyin ganacsi oo isdaba joog ah, waxay xiriirin doontaa shirkadda weyn ee Aasiya iyo Afrika, taas oo xoojin xiriirka doonta adduunkeeda.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Putin Oo Xaalad Dagaal Ku Soo Rogay Afar Gobol Oo Uu Ukraine Ka Qabsaday

Bnnstaff Bnnstaff

AMISOM Oo War Kasoo Saartay Dadkii Shacabka Ahaa Ee Ay Ku Laayeen Degaanka Golweyn Ee Shabeelaha Hoose

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Yurub Oo Faransiiska Dartiis u Qaaday Tallaabo Ku Saabsan Xijaabka Haweenka Muslimiinta Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More