Maxay Tahay Sababta Loo Mamnuucay Sii Deynta Wareysi Laga Qaaday Imran Khan?

Maamulka Warbaahinta ee Pakistan ee (PEMRA) ayaa mamnuucay baahinta waraysi uu siiyay Imran Khan, Raysul wasaarihii hore ee dalkaas, ahna hoggaamiyaha xisbiga PTI siiyay telefishin madax-bannaan.

War qoraal oo ka soo baxay PEMRA ayaa lagu sheegay in wareysiga lala yeeshay Imran Khan ay ku jiraan ereyo khatar ku ah amaanka iyo madaxbannaanida dalkaas.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in waraysiga uu sababi karo nacayb dalka gudihiisa ka dhaca, isla markaana uu caqabad ku noqon lahaa joogteynta sharciga.

Raysul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa waraysiga ku dhex sheegay in haddii uusan maamulkiisu qaadan lahayn go’aanka saxda ah ciidamada la baabi’in lahaa isla markaana Pakistan ay u qaybsami lahayd saddex qaybood. Erayadaas ayay PEMRA ku tilmaantay kuwo ka hor imaanaya qodobka 190-aad ee dastuurka iyo xorriyatul-qowlka, kuna xadgudbaya shuruucdooda.

Hadaba muxuu Imran Khan ka dhex yiri waraysigiisa?
Intii uu socday warysiga oo raysul wasaarihii hore uu ka qaaday Sami Ibrahim oo ka howlgala telefishin laga leeyahay Pakistan oo lagu magacaabo Bol ayaa la waydiiday waxa uu u malaynayo in uu ku dambeynayo mustaqbalka Pakistan haddii maamulka talada haya uusan qaadin tallaabooyin wax-ku-ool ah. Wuxuu ku jawaabay ”tani waa dhibaatada dhabta ah ee heysata Pakistan. Waa dhibaatada la xiriirta dhanka maamulka. Haddii maamulku uusan qaadan go’aanka saxda ah in ciidanka uu burburi karo, dalkana uu qeybsami doono.

Marka laga soo tago dadka isaga mucaaradka ku ah, dad aad u badan ayaa hadalkiisa uga falceliyay baraha bulshada. Iyadoo taageerayaasha PTI ay ku raaceen aragtidiisa. Halka qaar kalena ay aaminsan yihiin in uu ka fogaan lahaa hadal noocaas oo kale ah.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Fawad Chaudhry oo difaacayay waraysiga ayaa bartiisa Twitter ka hadlay in Imran Khan arrin aan halis ahayn, isla markaana muhiim u ah dhaqaalaha dalka.

Waraysiga Imran khan: “Naa nala rakaateeyey, ma aanan heysan awood buuxda”

Qaybaha hore ee waraysiga Sami Ibraahim ayaa Imran Khan waxaa uu cambaareeyey xarigga lagula kacay shaqaalihiisa intii ay socdeen isu-soo-baxyadii daba-dheeraa, waxaa uuna yiri ”waan ku qanacnay go’aanka maxkamadda. Waxaan moodaynay in aan ku tagi karno si sahlan, hase yeeshee haatan waxaa uu xifaaltan inagala dhaxeeyaa maafiyada.”

Waxaa wax laga weydiiyay in markii uu raysul wasaaraha ahaa ay gawaaridda maxaabiista hor yaalleen xarunta baarlamaanka habeenkii mooshinka codka kalsoonida la qaadayay.

Jawaabtiisa ayaa ahayd sidan. “Haddii isla dowladda la dhisi lahaa mar kale, marnaba lama aqbali lahayn. Waxay ahayd dowlad xulufo. Ma aanan garanayn cidda nagu soo biirtay. Aad ayaan daciif u ahayn. Haddii ay taasi dhacdo mar kale waxay ila tahay in aan heli lahayn dadka ugu badan ee doonaya in doorasho dib loo qabto.”
Imran Khan ayaa yiri “gacmaha ayaan ka xiranahay. Waxaa nalaka qabsaday dhinac walba, dhan walba ayaa rakaato nalaga saaray. Ma haysanno awood nagu filan, qof walba oo Pakistan jooga waa uu ogyahay halka ay awooddu jirto.”

“Masuul ayaan ka ahaa waddanka balse ma jirin fursado badan. Masuuliyadda iyo awoodda mar walba way isla meel yaallaan. Kaddib ayuu hannaanka dowladnimo shaqeynayaa.”

Wariyaha ayaa weydiiyay raysal wasaaraha in haddii uusan maamulka la shaqayn ama ay kasoo horjeestaan, maku fikir lahaa in uu dowladda qayb ka noqdo ama maxay ahaan lahayd istaraatiijiyaddiisa?

Imran Khan ayaa ku jawaabay ”Alle ayaa ina siiyay waxaan adduun ku leennahay.”

Saddex sano iyo bar ayuu raysul wasaare ahaa. Wuxuu sheegay in lacagta rubiga ay hoos u soo dhaceysay muddo suuqyada caalamka, Bakistaanna ay ku socoto halkii ay ka timid muddo dheer ka hor.

Related posts

Faysal Cali Waraabe Wasiirka Macdanta Iyo Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Hadalo Kulul Is Dhaafsaday

Bnnstaff Bnnstaff

TPLF Oo Hanjabaad Culus U Soo Dirtay Dowlada Itoobiya Kuna Hanjabtay In Ay Qabsan Doonta Adis Ababa

Bnnstaff Bnnstaff

Wafdi Ka Socda Somalia Oo Maanta ka qeyb galaya Shirka Midowga Afrika Oo Furmaya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More