Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socday Dowladda Finland

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda Dowladda Finland oo uu hoggaaminayo madaxa horumarinta mashaariicda ee Finland u qaabilsan Soomaaliya Mauri Starckman.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay wafdiga ka socda Dowladda Finland oo uu hoggaaminayo madaxa horumarinta mashaariicda ee Finland Mauri Starckman.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo laba jibaari lahaa mashaariicda horumarin ee Finland ka wado Puntland gaar ahaan arrimaha ka hortagga nabaadguurka iyo ilaalinta deegaanka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay qaarka mid ah Jaaliyadda reer Puntland ee dalka Finland, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda, Siyaasiyiin iyo aqoonyahan.

Related posts

Dowlada Itoobiya Oo Sheegtay In Ciidamadeedu Aanay Gudaha U Sii Gali Doonin Gobolka Tigrayga

Bnnstaff Bnnstaff

Xaalad Adag Oo Ka Taagan Gobolka Tigray Iyo Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaan Indho Indho Oo Si Adag Uga Cawday Muuqaalo Hore Oo Hada Dib Loo Baahiyay Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More