Maxay Ka Wada Hadleen Ex Raysal Wasaare Khyre Iyo Prof Jawaari Oo Kulan Ku Yeeshay Muqdisho

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre oo u sharaxan xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta hoygiisa qado sharaf ugu sameeyay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamd Sh. Cusmaan Jawaari oo booqasho ugu tagay Khayre.
Xasan Cali Khayre iyo Jawaari ayaa yeeshay Kulan saacado qaatay kana dhacay guriga Ra’iisul wasaarihii hore waxa ay uga wada hadleen xaaladda kala guurka ah iyo doorashooyinka ee Soomaaliya ee dabayaaqada 2020-2021-da.
Xasan Cali Khayre ayaa intii uu kulanku socdsay waxuu ku celiyay muhiimadda ay ummadda Soomaaliyeed u leedahay doorasho la isla ogolyahay oo waqtigeeda ku dhacda si looga baaqsado khalkhal dhinacya badan oo dalka ku yimaada oo aadan doorashooyinka Soomaaliya.

Prof Jawaari ayaa dhankiisa sheegay in ay muhiimtahay in dalka loo diyaariyo nidaam doorasho oo dhamaan dhinacyadu qayb ka yihiin,lana dedejiyo heshiisyada muhiimka u ah doorashooyinka Soomaaliya.

Khayre oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baneeyay July 25, 2020 kadib markii baarlamaanka oo madaxtooyada ka qalin daaranaya sheegeen in ay kalsoonida kala laabteen Xasan Cali Khayre, ayaa dhawaan shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Musharax Maxaweyne, Xasan Cali Khayre oo noqday ra’iisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee xukuumad hoggaamiya buruburkii kadib ayaa intii uu ahaa wasiirka koowaad waxuu ku guuleystay dib-u-dhiska ciidanka, dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, dowlad wanaagga iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa inkastoo ay jiraan dhinacyo kale oo lagu dhaliilay in aysan wax ka qaban sida xiriirka DFS iyo DG.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Abaartii Ugu Darnayd Iyo Heer Kul Aad U Horaya Oo Ka Jira Qaarada Yurub

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Qatar Oo Diyaaradaha Dagaalka Ee F15 Ka Iibsatay Dalka Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Borama:- Xarunta Daawaynta Xanuunada Maskaxda Iyo Neerfaha Oo U Dabaal Degtay Sanad Guuradoodii 1aad

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More