Kooxo Hubaysan Oo Nin Nigerian Ah Nolasha Ku Gubay Iyo Xogo Ka Soo Baxaya Dhacdadaasi

Booliiska Nigeria ayaa sheegay in nin ay isku dhaceen wadaad Muslim ah uu ku dhintay magaalada Abuja ee caasimadda dalkaas, kaddib markii ay dab qabadsiiyeen kooxo taageersan wadaadka.

Axmad Cusman, oo 30 jir ah, ayaa ku jiray kooxo si iskood ah u joojiyo dambiyada kadibna ciqaabo dambiilayaasha oo maxalli ah, waxayna booliisku sheegeen in ilaa 200 oo qof oo la abaabulay dhacdadan ay ka dambeeyeen.
Goob joogayaal ayaa sheegay in muranku uu salka ku hayo hadal la sheegay inuu ku aflagaadeeyay wadaadka , balse booliiska ma aysan xaqiijin arrintan.

Bishii hore, arday Kiristaan ​​ah ayaa waxaa dilay arday Muslimiin ah oo ku eedeeyay inay aflagaadaysay magaalada Sokoto.

Dadka u ololeeya xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in kiisaska soo noqnoqda ee rabshadaha wata, ay ka dhashaan isla xisaabtan la’aan qoto dheer iyo kalsooni la’aanta nidaamka cadaaladda dembiyada.

Related posts

Xukuumada Somaliya Oo Digniin Culus U Dirtay Siyaasiyiin Fashiklin Ku Wada Dadaalada Nabada Ee Raysal Wasaare Rooble

Madaxwayne Deni Oo Madaxda Somalida Ka Codsaday In Ay Shir Deg Deg Ah Iskugu Yimaadaan

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Qoor Qoor Iyo Beesha Caalamka Oo Ka Wada Hadlay Xiisadda Ka Taagan Galmudug

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More