Mid Ka Mid Ah Jeneraalada Ugu Sarreeya Ruushka Oo Ukraine Lagu Dilay

Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay inuu dhintay mid ka mid ah jeneraalada ugu sarreeya ee Moscow ee joogay Ukraine, kaddib dagaal culus oo ka dhacay gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

Sida uu sheegay wariye ka tirsan warbaahinta dowladda ee Rossiya 1, Roman Kutuzov ayaa la dilay isagoo hogaaminaya weerar lagu qaaday deegaan ay degan yihiin ciidamadda Ukraine oo ku yaala gobolka Donbas.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaan weli ka hadlin wararkan.

Militariga Ukraine ayaa sidoo kale xaqiijiyay dilka Gen Kutuzov, iyagoo aan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen.

Related posts

Wasiirkii Hore Ee Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Sheegay In Dimuquraadiyada Ay Khatar Ku Tahay Islaamka

Bnnstaff Bnnstaff

Nin Si Mucjiso Ah Uga Badbaaday Doon Ku Qallibantay Bad-weynta

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynihii iyo Raysal-wasaarihii Sri lanka oo dhuumasho ku jira & xaaladihii u dambeeyey.

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More