Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Wadahadal Khadka Telefoonka Kula Yeeshay Amiirka Qatar Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay waxaa uu kulan khadka Telefoonka kula yeeshay Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Hamad Al-Thani, iyagoona ka wada hadlay Arrimo kala duwan.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamim ay kulankooda uga wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Qatar iyo Soomaaliya, kaasi oo ku saleysan dhinacyo kala duwan.
Sidoo kale inta uu socday kulanka khadka Telefoonka ee dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh iyo Sheekh Tamim Bin Hamad Al-Thani ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday xaaladda Gobolka iyo tan guud ee dalka Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin kulankaas labada dhinac ee Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar, wuxuuna kulankaas kusoo aaday, iyada oo Maanta ay dhaceyso Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda Qatar ayaa xiriir dhow la laheyd Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qatar ayaa kamid ah dowladdaha Soomaaliya ka taageera dhinaca horumarinta mashaariicda.

Related posts

Dad Loo Soo Xidhxidhay Afgambigii Fashilmay Ee Dalka Madagaskar

Bnnstaff Bnnstaff

Dad Tiro Badan Oo Ku Dhintey Kuleyl Ka Jira Dalka Canada Iyo Tirada Dadka Dhintay Oo La Shaaciyay

Bnnstaff Bnnstaff

Aas Qaran Oo Maanta Hargaysa Loogu Sameeyay Suldaan Maxamed Cabdiqaadir Iyo Muuse Biixi Oo Ka Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More