Kenya Oo Sheegtay In Madaxweyne Xasan Sheekh Aqbalay In Soomaaliya u Dhoofiyaan Jaadka Miirooga

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalay inuu qaado xayiraadihii uu dalkiisa saaray qaadkii ka imaan jiray Kenya.

Waxaa sidaasi sheegay wasiirka beeraha Kenya Peter Munya oo saxaafadda la hadlay maanta oo Jimce ah.

Wuxuu sheegay in wadaxajoodyada arrintaa ku aaddan la soo afjaraya dhawaan, laba isbuuc kadibna la saxiixi doono heshiis rasmi ah.

Peter Munya ayaa uga mahadceliayay maxadweyne Kenyatta oo arrintan wadahadal kala yeeshay dhigiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Uhuru Kenyatta ayaa ka mid ahaa madaxweynayaashii ka qeybgalay xafladdii caleemasaarka ee Xasan Sheekh ee shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Dowladdii Farmaajo ayaa hakisay duulimaadyada qaadka ee Kenya sanadii 2020-ka sababa la xiriira Covid19, balse xayiraadaasi Ayaan la qaaday iyadoo ay jireen khilaaf dhinaca diblomaasiyadda oo u dhexeeyay labada dal.

Munya ayaa ka dalbaday ganacsatda qaadka inay is diyaariyaan madam loo furi doono suuqa Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya loo oggolaan doono in kalluunka ay suuqgeyso Kenya.

Soomaaliya kama aysan hadlin heshiiskan ay dowladda Kenya shaacisay.

Related posts

Orodyahan Mo Faarax Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Gabilay

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Oo Walaac Ka Muujiyay Qorshe Milateri Uu Wado Madaxweynaha Dalka Turkigu

Bnnstaff Bnnstaff

Daawo:- Warbixin Murugo Badan Oo Ku Saabsan Schoolkii Maalin Ka Hor Ku Burburay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More