Maxay Kawadda Hadleen Gudigga Abaaraha Iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Madaxwaynaha JFS u qaabilsan arrimaha Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasrsme oo ay weheliyaan gudigga gurmadka Abaaraha, kulanka oo diirada lagu saaray sidii wax loogu qabanlahaa Abaaraha soo-noqnoqday.

Gudiga gurmadka Abaaraha ayaa Guddoomiyaha Gollaha Shacabka waxa ay ka codsadeen in lagu waraajiyo qaybtii Baarlamaanka BJFS abaaraha uga qoondeeyey iyo lacagihii musharaxiinta Madaxwaynaha JFS laga qaaday si wax loogu qabto dadka tabaaleysan kuwaas oo ku kala nool qeybo ka mid gobolada dalka.

Sidoo kale guddiga ayaa Gudoomiyaha ka codsadey in Baarlamaanku ku daba galo sababta weli Xukuumadda u sheegi la dahay qoondada ay ugu talo gashey lacagtii Dowladda Imaaraadka Carabta ugu deeqdey abaaraha dalka kajira iyo weliba lacagtii Halka milyan (1 M) ahayd ee Xukuumadda sheegtey inay abaaraha ugu yaboohdey oo aan ilaa hadda jirin wax hormar ah oo laga sameeyey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Sheekh Aadan Madoobe oo bogaadiyay shaqada adag ee ay hayaan Gudigga Abaaraha ayaa u ballan qaadey sii xoojinta garab istaagga dar-dar gelinta shaqada baaxada leh ee u taala Ergeyga iyo gudigga, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ballan qaadey in beri lagu wareejin doono lacagihii Baarlamaanka horey u ballanqaadey ee qaybta ka ahaa lacagihii ka soo xaroodey Murashaxiinta Madaxwaynaha JFS.

Related posts

Mucaaridka Somaliland Oo Madaxwayne Biixi Ku Eedeeyay Dastuur Jabin Sheegayna In Uu Mutaysan Karo Maamuus Ka Xayuubin

67 Qof Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Dalka Nepal

Bnnstaff Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Doorashada Dalka Kenya Oo Ay Ka Hadhantahay Wax Ka Yar 24 Saacadood

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More