Ruushka Oo Gudaha Ukraine Ka Bilaawday Bixinta Baasaboorka Dalkiisa.

Maamulka la wareegay magaalada Kherson ee koonfurta dalka Ukraine, ayaa qabtay xaflad ay ku bixinayaan baasaboorkii uggu horeeyey oo Ruush ah, oo la siiyey 23 qof oo daganaa magaalada.

Madaxa deegaanka, ayaa xafladda ka sheegay in dhammaan saaxiibada reer Kherson, waa sida uu hadalka u dhigaye, iney jecel yihiin qaadashada jinsiyadda dalka Ruushka.

Maamulka Moscow, ayaa gadaal ka riixaya in gobolkani ay ka dhacdo afti dadweyne, si ay uggu darsadaan dalkooda, iyadoo ay kal hore sanadkii 2014-kii u goosteen gobolka Crimea.

Laakiin dagaalku oo gaarey duleedka magaalada, ma cadda in tani ay sii socon doonto.

Wakaaladda wararka ee TASS ee Ruushka, ayaa ku andacooneysa in boqolaal codsi oo rasmi ah, oo ku saabsan baasaboorka Ruushka laga baaraandegayo, kuwaasoo ka yimid dadka degan gobolka Kherson.

Related posts

Toogasho Ay Dad Badani Ku Dhinteen Oo Ka Dhacday Maraykanka Iyo Tirada Dadka Dhintay

Bnnstaff Bnnstaff

Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Xalay Ee Magaalada Muqdisho Oo Sii Kordhaya Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Gabadh Uu Dhalay Madaxweyne Hore Oo Ee Dalka Iran Ah Oo La Xukumay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More