Borama News Network

Xuutiyiinta Yemen oo markab kale ku weeraray xeebaha u dhow Soomaaliya iyo falcelin adag oo ay la kulmeen

Markab dagaal oo ay leyihiin ciidmada badda ee boqortooyada UK, ayaa soo riday gantaal ay kooxda Xuutiyiinta Yemen ku rideen markab ganacsi oo marayey Badda Cas.

Kooxdan oo ay Iiraan taageerto ayaa xiisad weyn ka abuuray Badda Cas oo ah marin muhiim u ah isku gooshka ganacsiga dunida.

Markabka HMS Diamon, ayaa difaacay markab ganacsi oo marayey Gacanka Cadmeed oo weerar kala kulmay kooxda Xuutiyiinta Arbacadii.

Sida ay sheegtay wasaaradda difaaca, markabka oo adeegsanayey hannaanka Viper missile ee lagu burburiyo gantaallada ayaa ka hortagay gantaallada ay soo rideen kooxda ee ay ku bartilmamaeedsadeen markabka ganacsi. Markabka dagaal ayaa hadda ku sugan gobolka si uu uga hortago weerarada Xuutiyiinta.Xoghayaha Difaaca UK Grant Shapps, ayaa u mahadceliyay shaqaalaha markabka si ay gacan uga geystaan “badbaadinta nolosha badmaaxiinta aan waxba galabsan” iyo ilaalinta maraakiibta.

“Ingiriisku wuxuu sii wadaa inuu safka hore kaga jiro jawaabta caalamiga ah ee Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto weerarrada halista ah ee maraakiibta ganacsiga, kuwaas oo galaaftay nolosha maraakiibta caalamiga ah,” ayuu intaas raaciyey.

Waxa uu u sheegay The Times in ay ahayd markii ugu horreysay oo markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Royal uu qabto gantaal dagaal tan iyo dagaalkii Khaliijka 1991-kii.
Xuutiyiinta oo gacanta ku haya dhul badan oo Yemen ah, oo ay ku jirto caasimadda Sanca ayaa bartilmaameedsanaya maraakiib ay ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin Israa’iil iyo Reer-galbeedka si ay uga jawaabaan dagaalka Israa’iil ee ka socda Qasa.

Silsiladaha sahayda caalamiga ah ayaa hadda wajahaya khalkhal ba’an iyo kor u kaca kharashaadka taas oo ka dhalatay qaar ka mid ah shirkadaha maraakiibta ee ugu waaweyn oo safarro ka weeciyay badda cas – mid ka mid ah marinnada maraakiibta ugu mashquulka badan adduunka.

Arbacadii, Xuutiyiintu waxay sheegteen inay weerar ku qaadeen markabka Maersk Yorktown ee Maraykanka oo marayey gacanka Cadmeed.

MOD waxay sheegtay in ku daadgureynta HMS Diamond ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay qayb ka tahay jawaabta ballaaran ee UK ay ka bixiso weerarrada Xuutiyiinta.

Tan waxaa ka mid ah ka hortagga hubka sida sharci darrada ah loo geynayo Yemen, cunaqabatayn lagu soo rogay xubnaha Xuutiyiinta, iyo in la qaado weeraro lala beegsado bartilmaameedyada millatari.

HMS Diamond, ayaa gobolka ka fuliyey howlago bilihii December iyo January, isagoo qudhiisu la kulmay saddex weerar oo kala duwan oo ay fuliyeen ciidamada Xuuthiyiinta, iyagoo ku guuleystay inay burburiyaan sagaal diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo wata gantaalaha Sea Viper iyo qoryo.

Markabkan dagaal ee ciidamada badda Ingiriiska eeHMS Diamond, ayaa ku qalabaysan gantaalada Sea Viper, iyo sidoo kale qoryaha darandooriga u dhaca. Sidoo kale markabka ayaa laga qaaday weeraro duqaymo ah oo lala beegsaday Xuutiyiinta Yemen 11 janayo.

Xuutiyiinta Yemen, ayaa wali wada beegsiga maraakiibta ganacsi ee maraya badda cas iyagoo sheegay inay ku taageerayaan howlgaladooda Falastiin.

Xaggee ayay Xuutiyiintu ka helaan hubka ay ku weeraraan Badda Cas?
Dalka Yemen waa mid ka mida dalalka ugu saboolsan caalamka kaas oo wali la daalaa dhacaya dagaallo sokeeye ilaa sanadkii 2014-kii, ka dib markii kooxaha Shiicadu ay la wareegeen maamulka magaalada caasimadda ah ee Sanca.

Howlgal xagga cirka ah oo qaadeen xulafada uu Sucuudigu hoggaaminayo oo ka dhan ah Xuutiyiinta ayaa ugu sii daray xaaladda awalba xumayd taas oo sababtay xariyaado iyo saboolnimo.

Hase yeshee Xuutiyiinta ayaa muuujiyey awooddooda iyagoo weeraro carqaladayn ah ka gaystay Badda Cas oo ay bartilmaameedsadeen maraakiib ganacsi ilaa bishii Novermber iyadoo Maraykanka iyo UK ay ka hortageeen.

Iska hor imaadkan ayaa saamayn weyn ku yeelanaya dhaqaalaha adduunka.

Related posts

“Dagaal laguma midaysna, Madaxweynuhuna Jiida hore ee ciidanka muu gaadhin” Siyaasi Muniir

Abdiaziz Bnnstaff

Muuse Biixi Waa Mujaahidka, Kaligii Is Abaal mariyey, dib uma eedi doono farteena ” Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka Kaah

Abdiaziz Bnnstaff

Puntland Oo Diiday Ka Qayb Galka Shirkii Uu Ku Baaqay Madaxwayne Xasan Sheekh

Abdiaziz Bnnstaff