Madaxweyne Guudlaawe Oo Xilalkii Ka Qaaday Wasiiro Ka Tirsan Hirshabeelle Iyo Sababta

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa habeenimadii xalay aheyd.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa xilalkii ka qaaday Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Yaxye Ismaaciil Maxamed iyo Wasiirka Wasaarada Dastuurka Qadar Xasan Maxamed, kuwaasi oo loo jeediyay eedeyn, sida lagu caddeeyay wareegatada.

Madaxweynaha ayaa labada Wasiir ku eedeeyay xil gudasho la’aan shaqadii loo idmaday iyo inay lagama maarmaan tahay in xilalka laga qaado Wasiiradii Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Dastuurka ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Xeerkaan uu soo saaray Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dhaqan-galaya markii uu saxiixo Madaxweynaha wuuna saxiixay, in kastoo uusan Madaxweynaha magacaabin Wasiiradii bedeli lahaa kuwa shaqada laga eryey.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista.

Related posts

Guddiga Doorashada Oo Farriin Xasuusin Ah U Diray Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha

Bnnstaff Bnnstaff

Seeynisyahano Sheegay In Ay Ogaadeen Sababaha Keena Cirrada Iyo Waxa Lagu Daweyn Karo

Bnnstaff Bnnstaff

“Waxaan Xabsi Ku Galay Map ka Somaliland Oo Harag Aan Kasameeyay” Muwaadin Farshaxan Sameeyay Oo La Xidhay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More