Madaxwayne Deni Oo Kulan Albaabada U Xiran Yihiin Maanta La Yeelanaya Xildhibaanada Puntland

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo Axad ah kulan Albaabada u xiran yihiin la yeelan doona Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo ka qabsoomi doona Magaalada Garoowe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa waxaa uu sheegay in kulan ay Xildhibaanada la qaadanayaan Madaxweyne Saciid Deni uu yahay mid uu Madaxweynaha soo dalbaday, isla markaana uu ku doonayo inuu kula hadlo.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay kulanka su’aalo ku weydiin doonaan Madaxweynaha, isla markaana uu kulankaas yahay mid sidoo kale Arrimo kala duwan labada dhinac isku dhaafsanayaan.

Kulanka Madaxweynaha Puntland iyo Xildhibaanada ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay Xildhibaannada qaarkood kulamo gaar gaar ah yeesheen oo ay isla soo hadal qaadeen in mooshin laga keeno Xukuumadda Madaxweyne Deni.

Inkastoo aysan hadda jirin mooshin diyaarsan oo Xukuumadda ka dhan ah haddana hadal-haynta la xiriirta in Xukuumadda mooshin laga keeno ayaa ku badan Xildhibaannada dhexdooda, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Related posts

” Shaqadii Wasaarada Ciyaaruhu Waxay Gashay Mugdi Iyo Cagajiid” Xoghayaha Ciyaaraha Xisbiga Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Somaliya Iyo Puntland Ku Eedaysay Xaalada Magaalada Laascaanood

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka Somaliland Oo Dalbaday In Loo Furo Kaldhiyada Ay Xilka Kaga Qaadayaan Maayirada

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More