Madaxweynaha Ukraine Oo Booqasho Naadir Uga Baxay Kiev, Kuna Tagay Jiidda Hore

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa booqday jiidda hore ee dagaalka kadib booqasho naadir ah uu uga baxay magaalada caasimadda ee Kiev.

Muuqaal uu baahiyay xafiiska madaxweynaha ayaa la arkayay Zelensky oo gaaray magaalada koonfurta dhacda ee Mykolaiv, taasoo uu ka muuqday burbur, wuxuu kulan la qaatay maamulka gobolka, isaga oo kala hadlay sidii dib loogu dhisi lahaa magaalada isla markaana loo soo celin lahaa adeegyadii biyaha iyo beeraha.
Booqashada uu ku tegay koonfurta ayaa imaaneysaa maalin uun kadib markii labo qof ay ku dhinteen duqeymaha uu Ruushka ka wado magaaladaas.

Dhinaca kale dagaal xooggan ayaa weli ka socda gobolka Donbas ee bariga Ukraine. guddoomiyaha gobolka Luhansk ayaa sheegay in dagaal uu ka socdo waddooyinka magaalada Severodonetsk — oo ay ciidamada Ruushka inta badan qabsadeen — iyo sidoo kale in weerarro lagu qaaday magaalada deriska la ah ee Lysychansk.

Militariga Ukraine ayaa sheegay in Ruushka uu duqeynayo deegaanada dhaca magaalada Slovyansk ee gobolka Donestk.

Related posts

Wasiirka Gaadiidka Xukuumada Muuse Biixi Oo Kormeeray Dayactir Lagu Samaynayo Wadabada Burco Iyo Laascaanood

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Weerar Ay Alshabaab Ku Qaaday Degmada Wisal Ee Gobolka Mudug

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Berbera Oo Eedaymo Culus U Jeediyay Maareeyaha Madaarada Somaliland Iyo Shirkada Dp World

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More