Borama News Network

Dawladda Soomaaliya Oo Ka Doonaysa Tansaaniya In Ay Soo Wareejiso Maxaabiista Soomaalida Ah Ee Ku Xidhan Dalkeeda

Wafdiga Dawladda Soomaaliya ee ku sugan dalka Tansaaniya ayaa lagu wadaa in madaxda wadankaasi ay la galaan heshiisyo ay kamid yihiin sidii maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran xabsiyada Tansaaniya loogu wareejin lahaa Soomaaliya, iyo heshiisyo kale oo khuseeya warfaafinta iyo dalxiiska.

Wafdiga Dawladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay gaaray magaalada caasimadda ah ee Daaru-salaam, waxana halkaas beri uga bilaabanaya booqosho rasmi ah.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo si kooban uga hadlay safarka ay ku joogaan Daaru-salaam, ayaa sheegay in dhawr heshiis ay la gali doonaan Dawladda Tansaaniya.

‘’Waxa beri noo bilaabanaysa booqasho rasmi ah oo labada dawladdood ay ku kala saxiixanayaan heshiisyo sedex ah oo xukuumadda federaalka Soomaaliya khamiistii la soo dhaafay la marsiiyay, heshiisyadaas waxa kamid ah: heshiis dhanka warfaafinta ah, heshiis kale oo arimaha caddaaladda ku saabsan oo maxaabiista halkan ku xiran is waydaarsigooda,iyo heshiis guud oo wasaaradda arimaha dibadda ay saxiixayso,’’ ayuu yiri danjire Axmed Macalin Fiqi.

Related posts

Warbixin:- Lacagta ku baxda alaabooyinka Somaliland la soo bixi karto ee dibadaha laga soo iibsado

Abdiaziz Bnnstaff

100 Qof Oo Ku Dhintay Daadad Xoogan Oo Ka Dhashay Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da’ay Dalka Brazil

Gabadh Yar Oo Raadinteedu Qaadatay Mudo Bil Ka Badan Oo Maydkeedii La Helay

Abdiaziz Bnnstaff