Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Hadlay ‘Heshiiska Qaadka’ Ee Kenya

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiisyada ay dowladda la gasho dowladaha kale ee aan baarlamaanka la soo marsiinin, xilli haatan la hadal hayo heshiiska qaadka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Guuddoomiyaha oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da Laanta Afkasoomaaliga ayaa sheegay in marka hore ay xukuumadda soo gasho heshiisyada caalamiga ah ka dibna baarlamaanka loo soo gudbiyo si ay u ansixiyaan.

“Marka ay xukuumadda ay soo gasho heshiis caalami ah baarlamaanka ayay u soo gudbineysaa oo ansixinaya, wax ka baddalaya amaba diidaya,” ayuu yiri Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Guddoomiyaha ayaa BBC -du weydiisay waxa kaga qorsheeysan heshiiska qaadka ee lagu in 5-ta bisha July lagu saxiixo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Waxa uu ku jawaabay in haatan uusan ku degdegaynin arrimaha la xiriira heshiiskaasi:

“Arrimaha diblomaasiyadda Kenya iyo Soomaaliya waa inaga horreyeen oo sida lagu kalatagay ma naqaan sidaa darteed dib u eegis ayaan ku sameyn doonnaa oo hadda kuma degdegyno laakin mabdi’iyan waxaan kuu sheegeyaa haddii heshiis caalami la galo waa in baarlamanka uu ansixiyaa.”

Kenya ayaa qarka u saaran inay dib u furto suuqa jaadka ee Soomaaliya iyadoo la filayo in heshiiska la saxiixo horraanta bisha Luulyo.

Wasiirka beeraha Peter Munya ayaa dhamaadkii toddobaadkan shaaca ka qaaday in wadahadalada u dhexeeya labada dal ay galeen qeybtii ugu dambeeysay iyadoo heshiis la filayo laba toddobaad gudahood.

“5-ta bisha Luulyo ee soo socota, heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa halkan Nairobi,” ayuu yiri Munya xilli lagu gudajiray ololaha doorashada Kenya ee lagu inay dhacdo bilowga bisha Ogosto.

Munya ayaa markii uu hadalkan sheegayay waxa uu ku sugnaa Ismaamulka Meru oo ay ku yaallaan beeraha qaadka.

Soomaaliya ayaa hakisay qaadkii laga dhoofini jiray Kenya labo sannadood ka hor oo ay taariikhda ku beegnayd 19-kii Maarso, ee 2020, iyadoo sabab looga dhigayo xayiraadaha Covid-19.
Hakinta ayaa si kastaba ha ahaatee, aan marna la qaadin kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal.

Mamnuuciddaasi ayaa horseedday in suuqa maalinlaha ah ee qaadka uu lumiyo in ka badan 50 tan oo qaad ah oo markaas lagu qiimeeyay in ka badan 20 milyan oo shilinka Kenya ah oo dhiganta ku dhowaad 200 oo kun doolar.
Hase yeeshee wasiir Munya ayaa u xaqiijisay beeralayda Jaadka Kenya in dhibaataadaasi ay haatan sii dhamaanayso.

“Kaliya beerta dalagiina jaadka, oo beerihiinna diyaarsada, suuq baa la helaye,” ayuu ku yiri isaga oo aad uga farxinaya dadkii badnaa ee halkaasi isugu soo baxay.

Dowladda Kenya ee uu madaxweynaha ka yahay Uhuru Kenyatta ayaa codsatay in laga qaado xayiraadda saaran dhoofinta qaadkii la gayn jiray Soomaaliya, si loogu daneeyo ganacsatada beeraha qaadka ee dalkeeda.

Xogta ay BBC-da ka heshay ilaha dowladda ayaa sheegeysa in weli uu socdo wadaxaajoodka labada dowladood, go’aan rasmi ahna aan la gaarin.

Soomaaliya ayaa mas’uuliyiinta Kenya ka dalbatay in loo hirgeliyo dhowr arrin oo ay ka mid yihiin:

1- Ku biiritaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika

2- Fududeynta safarka

3- Dhoofinta Kalluunka

Related posts

Golaha Midawga Murashaxiinta Somaliya Oo Ku Baaqay Shir Deg Deg Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Jabhada TPLF Oo Sheegtay In Ay Dib U Qabsatay Magaalada Mekelle Ee Caasimada Gobolka Tigreyga

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Deni Oo Kala Diray Golihii Degaanka Ee Qardho Maamulna Cusubna Magacaabay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More