Kulankii Maanta Baarlamaanka Lagu Horgeyn Lahaa Raysal Wasaare Xamse Barre Oo Laba Sabab Dib Ugu Dhacay

Waxaa Maanta oo Arbaco ah lagu waday in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa, balse dib u dhac ayaa ku yimid kulankaas oo loo qorsheeyay Maanta.

Kulanka Golaha Shacabka ayaa la filayay in Xildhibaanada lagu horgeeyo Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xamse Cabdi Barre, si Codka kalsoonida loogu qaado, isla markaana u soo dhiso Gollihiisa Wasiirada cusub ee Xukuumadda Federaalka.
Laba sabab dartood ayuu kulankii Maanta ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka dib ugu dhacay, waxaana ugu horreeya safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu maqan yahay dalka Imaaraadka Carabta, safarkaas oo qorshahu ahaa inuu laba maalin qaato, sida ay shaacisay Madaxtooyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa weli ku maqan Magaalada Abu Dhabi , halka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe uu isna howlo shaqo ugu maqan yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Si kastaba maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xamse Cabdi Barre la horgeeyo Xildhibaanada Golaha Shacabka, si Codka kalsoonida loogu qaado, isagoona wada kulamo uu la qaadayo Xildhibaanada, una raadinayo in kalsoonida la siiyo, si uu soo dhiso Xukuumad cusub oo ay horyaalan shaqooyin dhowr ah.

Related posts

Fannaanka Caanka Ah Teddy Afro Oo Itoobiya Ugu Baaqay Inay Soo Afjarto Dilka Shacabka Lagula Kaco

Bnnstaff Bnnstaff

Qareenada Somaliland Oo Ka Hadlay Go’aanka Maxkamad Sare Ay Ka Soo Saartay Natiijadii Golaha Wakiilada

Bnnstaff Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyay Dalka Itoobiya Kadib Xaalad Deg Deg Ah Oo Lagu Soo Rogay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More