Al-Shabaab Oo Qaraxyo Ku Burburiyey Xarun Shirkad Isgaarsiineed Laga Leeyahay Kenya

Kooxo hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa weeraray oo burburiyay Xarun Isgaarsiineed oo ku taalla deegaanka lagu magacaabo Kawaanka oo ka tirsan degmada Rhamu ee Ismaamulka Mandera ee Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa sheegay in ay maqleen Jug xoogan oo ka dhacaysa deegaanka Kawaanka, markii ay hubiyeenna ay ogaadeen in goobta uu qaraxu ka dhacay lagu burburiyay Xarunta Shirkadda Isgaarsiineed.

Kooxihii weerarka geystay ayaa baxsaday wax yar ka dib markii uu falka dhacay, iyadoo lix ka mid ah ciidamada ilaalada ka ah Xarunta ay ka Jawaabeen weerarkaas, sida ay sheegeen Saraakiisha Gobolka.
Taliyaha Booliska Waqooyi bari George Seda ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo badan oo boolis ah si ay uga daba tagaan ragga weerarka geysatay oo u baxsaday dhanka xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Lama soo sheegin wax dhaawac ah oo ka dhashay weerarka qaraxyada ah ee Al-shabaab ku burburiyeen Xarun Isgaarsiineed ee ku taalla deegaanka lagu magacaabo Kawaanka, taasi oo laga leeyahay dalka Kenya.

Si kastaba ayaa dhowr jeer horey qaraxyo ugu burburiyey Xarun ay laheyd Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee laga leeyahay dalka Kenya, waxaana weeraro ay ku qaadeen Xarunta Shirkadda ay waxyeelo weyn kasoo gaartay Shirkadda.

Related posts

Soomaali Dil İyo Dhaawac Loogu Geystay Gudaha Dalka Canada

Bnnstaff Bnnstaff

Afhayeenka Ciidanka Somaliland Oo Warbaahinta La Hadlay Iyo Arimaha Uu Ka Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

“Dalka Taladiisa Waxaa Hogaanka U Qabtay Aqlabiyada Isbedel Doonka Ah ” Gudoomiye Ciro

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More