Tirada Dadka Ku Dhintay Dhul Gariir Ka Dhacay Afganistan Oo Gaadhay 1000 Qof

Ilaa 1,000 qof ayaa ku dhimatay dhul gariir xooggan oo ka dhacay dalka Afghanistaan halka boqolaal kalena uu dhaawac soo gaaray, sida ay sheegeen saraakiisha Daalibaan.

Sawirro ayaa muujinayaa dhul go’ saameeyay guryo ku yaalla gobolka bariga dhaca ee Paktika, shaqaalaha gurmadka ah ayaa la daalaa dhacayaa daweynta dadka ku dhaawacmay dhul gariirka.

Diyaarado ayaa dadka u daabulayay isbitaallada iyagoo kasoo daadgureynayo deegaanada miyiga ah.

Hoggaamiyaha Daalibaan Hibatullah Akhundzada ayaa sheegay in dhul gariirka uu burburiyay boqolaal ah isla markaana tirada dhimashada ay sare u kici karto.

Wasiir ku xigeenka qaabilsan ka hortagga masiibooyinka Afghanistan Sharafuddin Muslim ayaa shir jaraa’id ka sheegay in ugu yaraan 920 qof ay ku dhinteen dhul gariirka halka 600 uu dhaawac soo gaaray, waa dhul gariirkii ugu dhimashada badnaa ee ku dhufta Afghanistaan muddo 20 sano gudahood.

 

Related posts

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Somaliya Oo Digniin Culus U Diray Ciidanka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Puntland Oo Shuruudo Cusub Ku Xidhay Shirka Muqdisho Kuna Baaqay In Fahad Yasiin Xilka Qaado

Bnnstaff Bnnstaff

Saraakiil Iyo Askar Loo Soo Xidhxidhay Dilka Guddoomiyihii degmada Hodan Ee Gobolka Banaadir

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More