Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ‘Madoobe’ oo wareysi gaar ah siinayay BBC-da ayaa sheegay in muddo ah uu kasoo horjeeday xiritaanka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dowladda u xiran isla markaana sheegay in si ‘gardarro ah’ uu u xiran yahay.
Wuxuu intaa ku daray in uu ku rajo weyn yahay in Mukhtaar Roobow uu haatan heli doono caddaalad.
“Xiritaankiisaa dadkii diidanaa ayaan kamid ahaa, gardarro in uu ku xirnaa waan u jeeday, dadkii gardarradaas ku sameeyay oo awooddaa ku maqooniyay maanta xilka ma hayaan, waxaan u maleynayaa in uu heli doono caddaalad” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Mukhtaar Roobow ayaa xabsiga loo taxaabay bishii December ee sannadkii 2018-kii, xilli uu wakhti kooban ay ka harsanayd doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taas oo musharrax saameyn leh uu ka ahaa.