Golaha Wasiirada Jubbaland Oo Maanta Degmooyin U Ansixiyey Dhooblay Iyo Buurdhuubo

Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta kulankooda todobaadlaha ah ee Golaha ku yeeshay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay gaareen Madaxweyne ku-xigeenada Maamulka iyo xubno Wasiiro ah.

Kulankan oo uu shir gudoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa qodobo dhowr ah looga dooday oo kamid yihiin ammaanka guud ee deegaanada Maamulka iyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha iyo Maamulka.
Wasiirka Wasaaradda amniga Jubaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa kulanka golaha wasiirada kahor aqriyey warbixino la xiriira xaaladda amniga ee deegaanada Jubbaland.

Inta uu socday kulanka Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa degmooyinka Dhooblay iyo degmada Buurdhuubo Cod gacan taag ah loo qaaday si ay degmooyinka Jubbaland uga mid noqdaan, sidaasina loogu ansixiyey degmooyin.

Ansixinta degmooyinkan ayaa kusoo aaday, iyada oo Maanta Dhooblay ay gaareen Madaxweyne ku-xigeenada Koowaad iyo Labaad ee Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, Golaha Wasiirada Maamulka iyo xubno kale.

Related posts

Midawga Africa Oo Walaac Xoogan Ku Muujiyay Xaalada Amni Ee Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Musharaxiinta Madaxweynenimo Ee Dalka Kenya Oo Loo Qaban Doono Dood Siyaasadeed

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dube Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Abwaan Beddel Jaamac

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More