Dowladda Mareykanka Oo Ukraine u Direysa Gargaar Milatari Oo Dhan 450 Milyan

Maamulka dalka Maraykanka ayaa dalka Ukraine u diraya gargaar milatari dheeraad ah oo lagu qiyaasay $450-milyan oo ay ku jiraan Nidaamyada Gantaalada Madaafiicda Sare ee (HIMARS), si loo caawiyo dalkaasi,xilli Ruushku uu kor u qaaday cadaadiska Luhansk iyo Kharkiv.

Afhayeenka Kremlin, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in Ruushku si taxadar leh ula socdo isticmaalka hub kasta oo ay bixiyaan reer galbeedka.

Madaxda hay’ad fadhigeedu yahay Washington ayaa aaminsan in Kyiv ay isu diyaarineyso khasaaraha ugu dambeeya ee labada magaalo ee muhiimka ah ee Luhansk Severodonetsk iyo Lysychansk, laakiin waxay intaa ku dareen in in tallaabooyinkaasi aysan noqon doonin guul muhiim u ah Ruushka.

Dhanka kale madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa soo dhoweeyay go’aanka Midowga Yurub uu ku ansixiyay codsiga Ukraine ee ku biirista midowga Yurub.

Sidoo kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa boggiisa twitterka ku soo qoray mahadnaq wuxuuna ku dhawaaqay: “Mustaqbalka Ukraine wuxuu ku dhex jiraa Midowga Yurub.”

Related posts

Saylici “Hadii Uu Saajin Madaxwayne Ku Xigeen U Tartamayo Waab Dhisayaa”

Bnnstaff Bnnstaff

“Gudoomiyihii Ugu Mudada Gaabnaa Ha Noqonin Cabdirisaaq Khaliifow” Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada CaafimaadkaLibaan Cismaan

Bnnstaff Bnnstaff

Masjid Ay Dhiseen Asxaabtii Nebiga NNKH Oo Dayactir Lagu Sameeynayo Ka Dib Burbur Ka Soo Gaadhay Dagaalkii Tigreyga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More