Sheekh Cabdirashiid Sh. Cali Suufi Oo Salaadda Ka Tujiyay Masaajidka Caanka Ah Ee Aaya Soofiya

Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi ayaa saakay salaadda subax ka tujiyay masaajidka caanka ah ee Aaya Soofiya, ee ku yaalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Kaddib 86 sano oo uu madxaf ahaa, dhismaha Aaya Soofiya ayaa markii ugu horreysay bishii July ee sanadkan waxaa laga dhigay masjid, waxaana lagu tukaday salaadda Jimcaha, iyadoo ay halkaas isugu tageen dad aad u badan oo Muslimiinta Turkiga ah.

Dhismahan waxaa masaajid ka dhigtay dowladdii cismaaniyiin kaddib markii ay masiixiyiintii haystay halkaas ka qabsadeen sannadkii 1453-dii.

Sheekh Maxamed Idris ayaa bartiisa Facebook soo dhigay muuqaalka Sheekh Cabdirashiid oo masaajidka ka tujinaya salaadda:

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

10 Harimacad Oo Si Qarsoodi Ah Looga Dhoofinayay Somaliland Oo Duleedka Hargeysa Lagu Qabtay

Bnnstaff Bnnstaff

Beesha Caalamka Oo Si Adag Uga Hadashay Xaaladihii Ugu Dambeeyay Ee Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Muuse Biixi Oo Shaacisay In Hargeysa Laga Rari Doono Lana Wareegayso Libaaxyada Cali Warancade

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More