Fannaanka Caanka Ah Teddy Afro Oo Itoobiya Ugu Baaqay Inay Soo Afjarto Dilka Shacabka Lagula Kaco

Fannaaka caanka ah ee Itoobiya u dhashay, Tewodros Kassahun, oo loo yaqaanno Teddy Afro, ayaa ugu baaqay dowladda inay ka hortagto tacaddiyada ka dhanka ah bani`aadannimada ee lagula kaco dadka rayidka ah.

Xasaradaha ku saleysan isirka ayaa caqabad ku noqday dowladda Itoobiya. Keliya toddobaadkii la soo dhaafay ugu yaraan 31 qof oo rayid ah ayaa maleeshiyaad aan la garaneyn waxay ku dileen koofurta dalkaas.

“Waxaan si xooggan ugu boorrinayaa dowladda inay tallaabooyin ka hortag ah ka qaaddo weerarrada noocan oo kale ah,” Teddy ayaa sidaasi ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook
Teddy ayaa taageero aad u weyn ka heysta gudaha Itoobiya iyo qeybo kale oo caalamka ah.

Balse kama marna cambaareyn uu kala kulmo heesihiisa. Sanadkii 2005 wuxuu soo saaray heeso loo arkay inuu ku durayo maamulkii berigaas jiray, kaddib doorashadii lagu murmay.

Heesihiisa waxay haatan astaan u noqdeen dibadbaxyada dowladda ka dhanka ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowladaha Soomaaliya Iyo Talyaaniga Oo Kala Saxiixday Heshiis Muhiim Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Gabilay Waxaa La Dagaalamaya Xisbiyada Mucaaridka Ah” Maayirka Gabilay

Bnnstaff Bnnstaff

“Kulmiye Hadii Uu Rafanaayo Maaha Inuu Saldanada Subeer Awal Ku Meeraysto.”Suldaan Aadan Suldaan Aamiin.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More