Madaxweynaha Ruushka Oo Ku Dhawaaqay In Uu Gantaallo Nukliyeer Ku Rakibanayo Dal Kale

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in gantaalaha riddada gaaban ee nukliyeerka uu siini doono dalka ay xulufada yihiin ee Belarus isla markaana uu siinayo bilaha soo socda.

Waxa uu sheegay in hubka Iskander-M “uu awood u leeyahay in uu xambaaro gantaallada baalistic-ga ah iyo kuwa caadiga ah iyo noocyada nukliyeerka ah”.

Hubkan uu Ruushka siinayo Belarus ayaa gaari karaa masaafo dhan 500 oo kiiloomiitar.
Putin oo ka hadlayay magaalada St Petersburg, wuxuu sheegay in dalkiisa uu gacan ka geysan doono sidii wax looga beddeli lahaa diyaaradaha dagaalka ee Belarus gaar ahaan nooca SU-25 si loogu rakibo hubka Nukliyeerka ah.

Xiisadda u dhaxeysa Ruushka iyo reer Galbeedka ayaa cirka isku sii shareertay, kadib markii Ruushka uu ku duulay Ukraine.

Putin ayaa tan iyo xilligaas wuxuu tilmaan ka bixiyay hubka Nukliyeerka, taasoo dadka qaar ay ku macneeyeen in uu digniin u dirayo dalalka reer galbeedka si aysan usoo faragelin dagaalka uu ku qaaday Ukriane.

Related posts

Farmaajo Oo Amar Siiyey Ciidamada Ammaanka Dowladda, Kadib Qaraxii Ka Dhacay Liido

Bnnstaff Bnnstaff

Dawladda Soomaaliya Oo Baaq La-Xidhiidha Abaaraha u Dirtay Dawladda Jarmalk.

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliya Oo Shaaciyay Qorshe Cusub Oo Lagula Dagaalamayo Ayaxa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More