Qarax Lala Beegsaday Mas’uuliyiin Iyo Wariyeyaal Oo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan, waxaana soo baxaya faah faahiino dheeeraad ah oo ku aaddan Qaraxaasi.

Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in Qaraxa oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso lala beegsaday Gaari Nooha ah oo ay la socdeen Wariyeyaal iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamul Goboleedka Hirshabeelle, waxaana soo gaaray Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, sida ay sheegayaan wararka ina soo gaaraya.

Gaariga la qarxiyay ayaa sheegay in uu qayb ka ahaa kolonyo Gawaari ah oo Ciidamada Maamulkaas iyo Weriyeyaal ka tirsan TV ga Hirsahbeelle ay la socdeen.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku geeriyootay oo uu ka mid yahay Darawalkii waday Gaariga la qarxiyay, waxaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah labo Weriye oo ka howlgalayay TV ga maamulka Hirshabeelle, waxaana dhaawacyadii dadka waxyeeladu soo gaartay loo qaaday Magaalada Matabaan ee isla Gobolkaasi Hiiraan.

Wali maamulka iyo Hya’adaha ammaanka wax war ah kama soo saarin Qaraxasi, laga dewyrinayaa xaaladda caafimaad ee dadkii waxyeeladu soo gaartay, kuwaasi oo haatan lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad.

Related posts

Kolanyo Gaadiid Ah Oo Uu La Socday Ex Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Muqdisho Lagu Rasaaseeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Ka Warbixisay Xaalada Muwaadiniinta Somaliyeed Ee Ka Cararay Colaada Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

Gudiga Tacliinta Sare Ee Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Siyaasiyiinta Ka Qayb-Gala Xafladaha Qalin-Jabinaha.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More