Borama News Network

Dalka Uk Oo Markii Ugu Horaysay Laga Bilaabay Talaalka Cudurka Kansarka Ku Dhaca Maqaarka

Tijaabo muhiim ah oo ah talaalkia mRNA oo ah kii ugu horeeyay adduunka ee nooca kansarka maqaarka ee dilaaga ah – melanoma – ayaa hadda ka socota UK.

Steve Young, oo 52 jir ah, kana soo jeeda Stevenage, Herts, kaas oo burada melanoma laga soo jaray madaxa bishii Agoosto ee la soo dhaafay, waa mid ka mid ah bukaannadii ugu horreeyay ee lagu tijaabiyey tallaalka.

Waxaa loogu talagalay in lagu caawiyo habka difaaca jirkiisa in uu aqoonsado oo uu tirtiro unugyada kansarka ee haray.

Taas oo la rajeynayo in kansarku uusan soo laaban doonin.

Tallaaka , mRNA-4157 (V940), waxay isticmaashaa tiknoolojiyad la mid ah tan tallaallada Covid-ka ee hadda jira waxaana lagu tijaabiyay marxaladda ugu dambeysa ee tijaabooyinka .

Dhakhaatiirta Jaamacadda University College London (UCLH) waxay siinayaan daawo kale oo oo sidoo kale ka caawineysa habka difaaca, inuu dilo unugyada kansarka.

Related posts

Wasiirka Wasaaradanta Somaliland Oo Shaaciyay In Ay Joojiyeen Liisamadii Macdan Qodista

Abdiaziz Bnnstaff

Afar Doomood Oo Ay Saarnaayeen Ciidanka Jubaland Oo Isku Soo Diibay Ciidanka Qaranka Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Muuqaallo ay baahisay Xamaas oo xaaladda kusii adkaynaya Israaiil

Abdiaziz Bnnstaff