Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya Oo Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay, Ballan Qaadna Sameeyay

Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka ra’iisal-wasaarenimada ee uu dhawaan u magacaabay madaxweynaha Sooamaliya.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa ka dhacday madax-tooyada Soomaaliya, waxa ayna imaaneysaa maalmo kaddib markii baarlamaanka uu ansixiyay ra’iisal-wasaaraha cusub.
Raysal wasaare Xamse ayaa ballan qaaday in xukuumaddiisu ay amniga xoogga saari doonto si wax loogu qabto dadka Soomaaliyeed ee abaaraha la ildaran.

“Ajandeheenna koowaad waa in shacabkeena aan dhimashada ay baahidu keenayso aynu ka badbaadinno, si aan uga badbaadinno waa inaan amniga sugno” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Related posts

Warbixin Ku Saabsan Doorka Haweenka Ee Dhinaca Waxbarashada Iyo Adeegyada Bulshada

Bnnstaff Bnnstaff

Taliska Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Oo Shaaciyay Magacyada Saraakiil Ka Tirsanaa Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoome Ciro Ka War Bixiyay Xaaladiisa Caafimaad Ka Dib Markii Uu Sheegay In Corona Laga Helay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More