Dowladda Kenya Oo Shaacisay Xilliga Ay Soomaaliya u Soo Dhoofin Doonta Qaadka

Xoghayaha Wasaaradda Beeraha dalka Peter Munya ayaa shaaca ka qaaday in 5-ta bisha July ee soo socota uu dib u bilaabanayo dhoofinta Qaadka Kenya ee la keeno Soomaaliya, taasi oo ku soo beegantay xilli ay nafis u tahay kumanaan beeraley ah oo Miirooga ah oo saddexdii sano ee ugu dambeysay wajahay khasaaraha ka dhashay xirnaanshaha suuqa Muqdisho.

Madaxa Miraa, Pyrethrum iyo dalagyada kale ee warshadaha Felix Mutwiri ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan arrimo taagan oo ka hor inta aan dib loo bilaabin suuqa kaliya ee ugu weyn Kenya.

“Hadda waxaa naloo sheegay in suuqa uu dib u billaaban doono 5-ta Luulyo, ayuu yiri Kimati Munjuri, guddoomiyaha ururka ganacsatada khaadka Nyambene Miraa.

Dhawaan ayay aheyd markii uu magaalada Muqdisho yimid Madaxweynaha Kenya, waxaana uu wadahal la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh .

Related posts

AL-Shabaab Iyo Ciidanka Dowladda Somaliya Oo Ku Degaalamaya Gobolka Hiiraan

Bnnstaff Bnnstaff

Taliye Odawaa Oo Kulan La Yeeshay Madaxa Cusub Ee Howlgalka Midowga Yurub Ee Somalia

Bnnstaff Bnnstaff

Puntland Oo Gacanta Kusoo Dhigtay Nin Maqane Ah Oo Maxkamad Xukun Ku Riday

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More