Ciidanka Gaarka Ah Ee NISA Oo Howgallo Kusoo Qabtay Kooxo Burcad Ah

Ciidanka Gaarka ah ee NISA ayaa howlgalo ka sameeyay degmooyinka Howlwadaag, Wartanabadda, Yaaqshiid, Kaaraan iyo qaybo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgaladaan ayaa ka danbeeyay cabasho ka timid qaar ka mid ah shacabka, kuwaasi oo ka cabanayay Tuugo xiliyadda habeenkii ah dhac u gaysta.
Taliyaha Hay’adda NISA ee Gobalka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadkii ka cabanayay Tuugada dhaca u gaystay, ayaa u sheegay in ciidamadu howlgalo ay wadaan sidoo kalana gacanta lagu soo dhigi doono qof kasta oo qal-qal galisa amniga magaalada.

Intii lagu jiray Howlgalka, ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtay kooxo watay mindiyo, waxaana ciidamadu ay u gudbiyeen Booliska si baari taano loogu sameeyo.

 

Related posts

Gudoomiyaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Somaliya Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Faadumo Cali Nagruuma

Bnnstaff Bnnstaff

Jabhada Jigreyga Oo Dib U Qabsaday Qaar Ka Mid Ah Magaalooyinka Gobolkaasi Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirada Arrimaha Dibedda Dalalka Turkiga, Afgaanistan Iyo Iiraan Oo Kulan Yeelanaya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More