Baadhitaanno Hordhac Ah Oo Laga Soo Saaray Dilkii Wariye Shariin Abuu Caqiil

Mareykanka ayaa sheegay in rasaastii lagu dilay oo u shaqeyneysay Al Jazeera ay aad u burburtay sidaa darteedna ay adag tahay in go’aan laga gaaro iney xabadda ka soo dhacday dhanka Israa’iil ama Falastiiniyiinta.

Natiijada hordhaca uu Mareykanka soo saaray ayaa u badineysa iney xabbadda ciidamada Israa’iil soo rideen balse si aan ula kac eheen u rideen ayna haleeshay Shariin Abuu Caqiil.

Dilka loo geystay wariyaha caanka ee Al Jazeera waxaa ka dhalatay argagax iyo caro xooggan.
Falastiiniyiinta ayaa dilka Shariin ku eedeeyey ciidamada Israa’iil. Halk ay Tel-Aviv dhankeeda sheegtay inaan la joogin xilligi la gaari lahaa ciidamada Israa’iil iney Shariin dileen.

Shariin Abuu Caqiil oo muddo dheer wararka kasoo tabinaysay Daanta Galbeed ayaa, xilliga la tooganayey si toos ah u tabinaysay iska hor imaad ay ciidamada Israa’iil ku lug lahaayeen oo ka dhacay halkaasi, waxaana la sheegay in ay rasaas kaga dhacday madaxa.

Sida ay tabisay Aljazeera, wasiiradda arrimaha dibedda Qatar ayaa falka Israa’iil ku tilmaamtay fal argagixiso oo uu qaran maalgalinayo.

Related posts

Dowlada Ukraine Oo Fashilisay Weerar Cirka Ah Oo Ruushku Ku Qaaday Kyiv

Bnnstaff Bnnstaff

Deg Deg:- Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Goorta Ay Mudoharaadayaan

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Soomaaliya Oo Saaka Tababar Gaar Ah U Dirtay Ciidamo Ka Tirsan Ciidanka Xooga Dalka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More